Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxtooyada ku qaabilay Garsoore Cumar Cartan kadib guushii Afrika
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan, kaasoo ku guuleystay abaalmarinta Garsooraha Ugu Wanaagsan Afrika 2025, oo uu guddoonsiiyay Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF).
Madaxweynaha ayaa hambalyo diirran u diray Garsoore Cumar Cartan, isagoo ku amaanay sumcadda, xirfadda iyo dedaalka uu ku muujiyay garoomada kubadda cagta, taas oo suurto gelisay in uu Soomaaliya u soo hoyo guul taariikhi ah oo heer qaaradeed ah.
Xasan Sheekh ayaa xusay in guusha Cumar Cartan ay tahay muraayad ka tarjumeysa kartida dhalinyarada Soomaaliyeed, isla markaana uu rajeynayo inuu sii gaaro heerar ka sarreeya oo caalami ah, si uu magaca Soomaaliya ugu sii iftiimiyo garoomada caalamka.