|

"Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada

Warar · Ilhaan · May 14, 2025
"Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta guddoomiyay kulanka Guddiga Sare ee Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya (TPSS), barnaamij horumarineed oo ay Soomaaliya ka taageerayso Dowladda Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in barnaamijkani uu salka ku hayo Qorshaha Horumarinta Qaranka, isla markaana uu kaalin weyn ka qaadan doono tayeynta adeegyada aasaasiga ah iyo dib-u-dhiska deegaannada laga xoreeyay kooxaha Khawaarijta.

Intii uu kulanku socday, guddigu wuxuu si rasmi ah u ansixiyay saddex mashruuc oo horudhac u ah hirgelinta TPSS, kuwaas oo xooga saaraya xoojinta nidaamka caafimaadka aasaasiga ah, waxaana laga fulin doonaa Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabelle.

Barnaamijka TPSS waxaa si buuxda u maalgelinaya Dowladda Talyaaniga, iyadoo laga hirgelinayo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Kulanka maanta waxaa sidoo kale ka qayb galay Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, H.E. Pier Mario Daccò Coppi, oo muujiyay sida ay dowladdiisu uga go’an tahay taageeridda nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.