|

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Safiirka Sucuudiga kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada horumarinta Baarlamaanka Soomaaliya

Warar · Ilhaan · December 17, 2025
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Safiirka Sucuudiga kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada horumarinta Baarlamaanka Soomaaliya
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Safiirka Sucuudiga kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada horumarinta Baarlamaanka Soomaaliya
In Summary

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta xafiiskiisa kulan miro-dhal ah kula qaatay Safiirka Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Danjire Axmed Bin Maxamed Almowallad.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudi Carabiya, gaar ahaan dhinacyada taageerada hay’adaha dowliga ah, horumarinta Baarlamaanka, iyo iskaashiga arrimaha siyaasadda iyo horumarka.

Safiirka Dowladda Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya ayaa bogaadiyay dadaallada Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Baarlamaanka Soomaaliya ee ku aaddan dhismaha hay’adaha sharci-dejinta, wuxuuna xaqiijiyay in Dowladda Sucuudiga ay sii xoojin doonto taageeradeeda ku aaddan horumarka, xasilloonida, iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa uga mahadceliyay Dowladda Sucuudiga doorka ay ka qaadato taageerada Soomaaliya, isagoo si gaar ah u xusay kaalinta ay ku leeyihiin gargaar bani’aadanimo, horumarinta adeegyada bulshada, iyo garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.