|

Mas’uuliyiin iyo hoggaamiyayaal hore oo maanta gaaray Kismaayo

Warar · Ilhaan · December 17, 2025
Mas’uuliyiin iyo hoggaamiyayaal hore oo maanta gaaray Kismaayo
Mas’uuliyiin iyo hoggaamiyayaal hore oo maanta gaaray Kismaayo,
In Summary

Mas’uuliyiin sare iyo hoggaamiyayaal hore oo dalka soo maray

Mas’uuliyiin sare iyo hoggaamiyayaal hore oo dalka soo maray, oo ay ku jiraan Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Socdaalka mas’uuliyiintan ayaa la xiriira shirweynaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, kaas oo si weyn uga aragti duwan jihada siyaasadeed ee ay xilligan waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirka Kismaayo ayaa la filayaa in si gaar ah diiradda loogu saaro dhammaystirka qaab-dhismeedka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, iyo sidoo kale ka doodista xaaladda siyaasadeed iyo marxaladda kala-guurka ah ee dalka.

Xubno kale oo ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa maanta ka ambabaxay magaalooyinka Muqdisho, Garoowe iyo Nairobi, iyagoo ku sii jeeda Kismaayo si ay uga qeyb galaan shirkan.

Dhanka ammaanka, magaalada Kismaayo ayaa laga dareemayaa feejignaan sare, waxaana si weyn loo adkeeyay sugidda ammaanka, iyadoo ciidamo badan lagu daadiyay waddooyinka waaweyn iyo goobaha muhiimka ah ee magaalada.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.