Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti oo Muqdisho soo gaaray
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, ayaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde si rasmi ah ugu soo dhaweeyay wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Xasan Cumar Maxamed.
Wasiirka Difaaca Jabuuti ayaa u yimid Muqdisho ka-qeybgalka shirka caadiga ah ee 35-aad ee Golaha Wasiirrada Difaaca iyo Amniga ee Ciidanka Difaaca Bariga Afrika (EASF), kaas oo Soomaaliya ay martigelinayso.
Shirkan muhiimka ah ayaa isu keenaya hoggaanka difaaca ee dalalka Bariga Afrika, iyadoo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga amniga, ka-wada shaqeynta caqabadaha amni ee gobolka, iyo horumarinta istiraatiijiyadda wadajirka ah ee difaaca.
Kulanka wasiirrada ayaa imaanaya kadib gabagabada shirar farsamo oo toddobaadkan ka dhacay Muqdisho, kuwaas oo ay ka qeyb galeen khubaro dhinaca amniga ah iyo taliyeyaasha ciidamada, si loo diyaariyo ajandaha iyo qodobada mudnaanta leh ee shirka.