Danjireyaal Caalami ah oo u Safray Caleemo-saarka Madaxweynaha Waqooyi Bari Soomaaliya
Wafuuddan diblomaasiyadeed ayaa la filayaa inay ku biiraan
Danjireyaasha dalalka Boqortooyada Sucuudiga, Turkiga iyo Suudaan ayaa goordhow ka dhoofay magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda magaalada martigelinaysa munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Wafuuddan diblomaasiyadeed ayaa la filayaa inay ku biiraan safiiro iyo ergooyin kale oo caalami ah oo ka kala socda dalalka Shiinaha iyo Masar, kuwaas oo sidoo kale ka mid noqon doona martida heer caalami ee ka qeyb galaysa munaasabaddan muhiimka ah.
Safarka danjireyaashan iyo wufuuddan shisheeye ayaa muujinaya xiisaha sii kordhaya iyo taageerada ay beesha caalamku u hayso geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo amniga, midnimada qaranka iyo dhismaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari.
Munaasabadda caleemo-saarka ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan masuuliyiin heer federaal iyo dowlad-goboleed ah, waxaana loo arkaa tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa wada-shaqeynta gudaha iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya.