Warbixin: Askareynta Carruurta oo Walaac Hor Leh Abuurtay
Waalidiinta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in carruur da’doodu u dhaxeyso 12 ilaa 16 sano jir laga kaxeeyay guryahooda, gaar ahaan xilliyada habeenkii. Qaar ka mid ah carruurtaas ayaa la sheegay in lagu qaaday gaadiid si qarsoodi ah u yimid xaafadaha.
Warbixin ay soo saareen qaar ka mid ah ururada bulshada rayidka ayaa muujineysa in weli ay jiraan kiisas la xiriira askareynta carruurta ee deegaanno ka baxsan Muqdisho. Qoysas badan ayaa sheegay in carruurtooda lagu qasbay inay ku biiraan kooxo hubeysan.
Waalidiinta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in carruur da’doodu u dhaxeyso 12 ilaa 16 sano jir laga kaxeeyay guryahooda, gaar ahaan xilliyada habeenkii. Qaar ka mid ah carruurtaas ayaa la sheegay in lagu qaaday gaadiid si qarsoodi ah u yimid xaafadaha.
Khabiirro ku takhasusay arrimaha carruurta ayaa sheegay in askareyntu ay saameyn nafsiyeed iyo mid jireed ku reebto ubadka. Carruur badan oo horey uga soo goostay kooxaha hubeysan ayaa la sheegay inay la tacaalayaan dhaawacyo maskaxeed.
Dowladda ayaa sheegtay inay wado qorshe lagu soo badbaadinayo carruurta ku jirta xaaladaha halista ah. Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ayaa ku dhawaaqday in la xoojinayo barnaamijyada dib u dhaqan celinta.
Arrintan ayaa si gaar ah loogu eedeeyay AlShabaab inkastoo kooxdaasi marar badan beenisay eedeymaha loo jeediyo. Beesha caalamka ayaa si joogto ah uga digtay askareynta carruurta ee Soomaaliya.
Ugu dambeyn, bulshada rayidka ayaa ku baaqday in la xoojiyo waxbarashada iyo shaqo abuurka si carruurta looga badbaadiyo inay ku dhacaan gacanta kooxaha xagjirka ah.