|

Ilhaan Cumar oo si adag u cambaareysay dil ay ICE ka geysteen Minnesota

Warar · Ilhaan · January 25, 2026
Ilhaan Cumar oo si adag u cambaareysay dil ay ICE ka geysteen Minnesota
Ilhaan Cumar ayaa si cad u dalbatay
In Summary

Ilhaan Cumar ayaa si cad u dalbatay

Xaaladda amni ee magaalada Minneapolis, gobolka Minnesota, ayaa sii xumaaneysa kaddib markii Ciidamada Ilaalada Xuduudaha iyo Kastamyada Mareykanka (ICE) ay Sabtidii toogasho ku dileen nin lagu magacaabi jiray Alex Pretti.

Ninkan oo ahaa 37 jir ka shaqeynayay kalkaalinta caafimaadka ayaa la sheegay in la dilay kaddib markii uu isku dayay inuu kala dhex galo ciidamo ICE ah iyo haweeney ay xilligaas qabteen. Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay askar ICE ah oo si xoog ah u jir-dilaya ninkaasi, ka hor inta aan rasaas laga maqlin goobta, taas oo la sheegay in lagu dilay. Alex Pretti ayaa isbitaalka loo qaaday balse wararka ayaa sheegaya inuu ku geeriyooday intii lagu sii waday waddada.

Wasaaradda Amniga Gudaha Mareykanka ayaa sheegtay in askari ka tirsan ICE uu dilka u geystay Pretti isagoo is-difaacaya, hase yeeshee warkaasi waxaa si adag u beeniyay Guddoomiyaha Gobolka Minnesota, Tim Walz. Mid ka mid ah muuqaallada lagu baahiyay internet-ka ayaa muujinaya askari ICE ah oo qori ku qabanaya ninkaasi wax yar ka hor inta aan la maqlin rasaastii lagu dilay.

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa si kulul uga hadashay dhacdadan, iyadoo soo saartay bayaan ay si adag ugu cambaareyneyso dilka ay sheegtay in ciidamada socdaalka federaalka ay u geysteen qof kale oo deganaa gobolka Minnesota. Ilhaan ayaa falkaas ku tilmaantay mid u eg dil bareer ah, waxayna sheegtay inay aad uga naxday isla markaana ay ka xuntahay in ciidamada federaalku ay gumaad u geystaan dad ay ahayd inay ilaaliyaan.

Xildhibaanadda ayaa sidoo kale sheegtay in falkaani uusan ahayn mid shil ah, balse uu qeyb ka yahay hab-dhaqan ay ku eedeysay maamulka Madaxweyne Donald Trump, kaas oo ay tiri isku dayaya inuu cabsi geliyo bulshada halkii uu ka ilaalin lahaa, isla markaana ku xad-gudbaya xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta isaga oo magaca socdaalka adeegsanaya.

Ilhaan Cumar ayaa si cad u dalbatay in hay’adaha ICE iyo CBP si degdeg ah looga saaro gobolka Minnesota, iyadoo ku dooday in joogitaankoodu uu argagax ku abuurayo bulshada, isla markaana nafo badan ay ku dhinteen iyadoo aan wax lala xisaabtan ah la sameyn.

Bishii December ee la soo dhaafay, Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa ciidamada ICE u daabulay magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis iyo Saint Paul, si ay u beegsadaan muhaajiriinta bilaa sharciga ah ee ku nool magaalooyinkaas. Trump ayaa ciidamadaas u adeegsaday howlgallo lagu qabqabtay Soomaalida aan sharciga haysan, si loogu masaafuriyo Soomaaliya.

Maamulka gobolka, duqyada magaalooyinka Saint Paul iyo Minneapolis, iyo shacabka Minnesota ayaa si weyn uga horyimid howlgalladaasi, iyagoo dalbaday in ciidamada ICE laga saaro gobolka. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Trump ayaa la sheegay inuu iska indha-tiray baaqyada isa soo taraya ee uga imanaya maamulka iyo bulshada gobolka.

Xaaladda Minnesota ayaa lagu tilmaamay mid ku sii socota jihada qaldan, iyadoo aan la arkin calaamado muujinaya in Madaxweyne Trump uu diyaar u yahay inuu qaado tallaabooyin lagu dejinayo xiisadda sii kordheysa ee ka jirta gobolkaasi.

7-dii bishan ayay sidoo kale ahayd markii askari ka tirsan ICE uu magaalada Minneapolis ku dilay haweeney hooyo u ahayd saddex carruur ah, laguna magacaabi jiray Renee Good.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.