Trump oo sheegay in Mareykanku uu maamuli doono Venezuela
Trump ayaa sheegay in Mareykanku si ku-meel-gaar ah u maamuli doono dalka Venezuela
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku si ku-meel-gaar ah u maamuli doono dalka Venezuela, ilaa laga gaarayo, sida uu yiri, “kala guur awood oo ammaan ah, habboon, isla markaana xikmad ku dheehan tahay.”
Trump ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay weerar ku qaadeen “qalcad ciidan oo si weyn loo adkeeyay” oo ku taalla bartamaha caasimadda Caracas, taas oo uu ku sheegay in looga gol lahaa in Madaxweyne Nicolás Maduro sharciga loo horkeeno.
Wuxuu hawlgalkan la barbar dhigay howlgallo ciidan oo hore Mareykanku uga fuliyay dalka Iiraan, oo ay ku jireen kuwa lagu beegsaday xarumo nukliyeer, isaga oo sheegay: “Ma jiro dal adduunka ah oo gaari kara waxa Ameerika samaysay ee ay ku guulaysatay.”
Trump ayaa sidoo kale sheegay in dhammaan awoodihii ciidanka Venezuela “laga dhigay kuwo aan waxba qaban karin” intii uu hawlgalku socday, isaga oo intaas ku daray in layrarkii caasimadda Caracas la damiyay muddadaas, sababo la xiriira “aqoon gaar ah” oo uu sheegay in Mareykanku leeyahay.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in Nicolás Maduro iyo xaaskiisuba ay “hadda wajahayaan cadaaladda Ameerika,” isagoo xusay in dacwad lagaga soo oogay degmada Koonfurta New York, taas oo la xiriirta waxa uu ku tilmaamay “ololahooda argagixisada maandooriyaha ee dhimashada leh” ee ka dhan ah Mareykanka iyo muwaadiniintiisa.