Daadadka Indonesia Boqollaal Qof oo Ku Dhintay iyo 400 Kale oo La La'yahay
Kooxaha gurmadka degdegga ah
Kooxaha gurmadka degdegga ah ee Indonesia ayaa weli wada raadin ballaaran oo lagu baadi-goobayo in ka badan 400 qof oo weli la la’yahay, kuwaas oo la rumeysan yahay in ay ku hoos aasmeen dhismayaal dumay kadib markii roobab duufanno wata ay sababeen daadad ba’an oo dalka ka da’yay ku dhowaad toddobaad.
Dowladda Indonesia ayaa xaqiijisay in tirada dadka ku dhintay jasiiradda Sumatra ay hadda kor u dhaaftay 440 qof, iyadoo xaaladdu weli cakiran tahay ayna jiraan cabsi ku saabsan in khasaaruhu sii kordho.
Musiibaddu waxay ku soo beegmaysaa iyadoo roobab culus iyo duufaanno ay burburiyeen qaybo ka mid ah Thailand, Malaysia, Filibiin iyo Sri Lanka, taas oo saameysay malaayiin qof isla markaana horseeday geerida in ka badan 900 qof gobolka oo dhan bishii lasoo dhaafay.