|

Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaalada Garissa ee Kenya

Caalamka · Ilhaan · July 15, 2025
Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaalada Garissa ee Kenya

Ugu yaraan laba askari ayaa ku dhintay, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii qarax miino lala beegsaday kolonyo ciidan oo marayey wadada u dhexeysa Ijara iyo Bodhai, gudaha magaalada Garissa ee waqooyi bari Kenya. Weerarka ayaa loo aaneynayaa kooxda Al-Shabaab.

Labada askari ee geeriyooday ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Shabeel Bashiir iyo Cabdikadir Maxamuud Salaat. Waxa ay la socdeen gaari nooca Probox ah xilli ay kusii jeedeen magaalada Bodhai, waxaana qaraxa haleelay gaarigooda.

Guddoomiyaha degmada Bodhai, Dubat Maxamed, ayaa xaqiijiyay weerarka, isagoo sheegay in qaraxu uu ahaa mid si gaar ah loogu beegsaday kolonyada ammaanka ee si joogto ah uga howlgala aaggaas.
"Waa dhacdo murugo leh. Waxaan rumeysanahay in weerarku uu ahaa mid si gaar ah loogu bartilmaameedsaday ciidanka ammaanka," ayuu yiri.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in amniga la adkeeyay, isla markaana ay socdaan howlgallo ballaaran oo ay iska kaashanayaan cutubyo ka tirsan GSU (General Service Unit) iyo SOG (Special Operations Group) si loo baadi-goobo dambiilayaasha ka dambeeyay weerarka.
"Ciidamadeennu waxay baarayaan meelaha laga shakisan yahay. Waxaan ka codsaneynaa shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka oo ay soo sheegaan wixii xog ah oo ay hayaan," ayuu yiri Dubat Maxamed.

Dhanka kale, Xildhibaan Abdi Cali oo ka tirsan Baarlamaanka Ijara ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka, isagoo ku tilmaamay mid carqaladeynaya dadaallada nabadeynta gobolka.
"Waxaan aad uga murugooday kana naxay weerarkan arxan darrada ah. Waa xasuus naxdin leh oo muujinaysa halista wali haysata shacabka deegaanka," ayuu xusay xildhibaanku.

Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo ay isa soo tarayaan falalka rabshado wata ee ay kooxaha xagjirka ah ka fuliyaan gobolka Waqooyi Bari Kenya, taasoo dhalisay walaac ballaaran oo ku saabsan amniga xuduudaha kala dhexeeya Soomaaliya.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.