R/W Xamsa oo Xarigga ka jaray Xarunta Cusub ee Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha
Muqdisho — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta dhexe ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha. Dhismahan oo ah mid casri ah, ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo adeegyada muhiimka ah ee ay wasaaraddu u hayso shacabka Soomaaliyeed iyo sidii kor loogu qaadi lahaa hufnaanta shaqada dowladda.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay munaasabadda ayaa xusay in dhismahan uu qayb ka yahay qorshaha xukuumadda ee dib-u-dhiska kaabeyaasha qaranka, isagoo tilmaamay in xaruntani ay dabooli doonto baahiyo badan oo xafiisyo oo ay wasaaraddu qabtay. Waxa uu intaas ku daray in dalku uu hadda u guurayo wejiga “Isku-tashiga,” iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo wax-soo-saarka gudaha ee korontada iyo biyaha si looga kaaftoomo caqabadaha dhaqaale ee ka jira caalamka.
Dhinaca kale, xukuumadda DanQaran ayaa shaacisay qorshe hammi weyn leh oo lagu doonayo in koronto bilaash ah lagu gaarsiiyo dhammaan xarumaha danta guud, sida isbitaallada iyo goobaha waxbarashada. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xaqiijiyay in gacanta lagu hayo mashaariic biyo-galin loogu sameynayo in ka badan 20 magaalo oo ku yaalla gobollada dalka, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo nolosha bulshada iyo kobaca dhaqaalaha.
Xaruntan cusub ee Wasaaradda Tamarta ayaa loo arkaa inay tahay tallaabo horey loo qaaday oo fududeyn doonta maareynta khayraadka dabiiciga ah ee dalka, xilli Soomaaliya ay hiigsanayso inay si buuxda uga faa’iideysato hantideeda dabiiciga ah.
