HomeWararGolaha Mustaqbalka iyo xildhibaannada mucaaradka oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Golaha Mustaqbalka iyo xildhibaannada mucaaradka oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Date:

Related stories

Cambaareyn Caalami ah: Sacuudiga, Turkiga iyo Waddamo kale oo Gaashaanka ku dhuftay Qorshaha Israa’iil ee Soomaaliya

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Sacuudiga, Turkiga, Indonesia iyo waddamo kale ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabada Israa’iil ay wakiil ugu magacawday Somaliland. Warbixintan waxay faahfaahinaysaa sida dalalkani ay u difaaceen madaxbannaanida Soomaaliya,

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madasha Antaaliya ka Jeediyay Farriin Miisaan Leh

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Turkiga uga qayb galay Madasha Diblumaasiyadda ee Antaaliya, halkaas oo uu kaga hadlay muhiimadda wada-hadalka iyo iskaashiga caalamiga ah. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha,

Puntland President Deni Overhauls Police Leadership in Major Security Shake-Up

Puntland's President Said Abdullahi Deni has announced a sweeping restructuring of the regional police force, appointing a new second deputy commander and fresh leadership across key departments, including the Criminal Investigations Department (CID) and regional police commands. The move is seen as part of broader security reforms to strengthen law enforcement in the semi-autonomous state.

Somalia’s Elite Gorgor Unit Delivers Lifeline to Drought-Hit Families

The Gorgor Commandos of the Somali National Army have conducted a humanitarian operation in the Middle Shabelle region, delivering critical food aid to communities suffering from severe drought in an incredible show of solidarity.

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Xalay magaalada Muqdisho waxaa shir ku yeeshay xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo aragti ka duwan ka qaba hannaanka loo wado wax-ka-beddelka dastuurka.

Kulankan waxaa sidoo kale ka qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka, iyadoo lagu qabtay goobta uu degan yahay Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Wararka ayaa tilmaamaya in ajandaha kulanka uu ka mid ahaa in xildhibaannada mucaaradka la siiyo xog ku saabsan kulamadii u dambeeyay ee Golaha Mustaqbalka, iyo jihada la doonayo in loo qaado arrimaha dastuurka iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Shirkan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah soo jeedinta iyo falanqeynta wax-ka-beddelka dastuurka, iyadoo mucaaradka iyo xubnaha kale ee ka qeybgalay ay doonayaan in la helo faham wadajir ah iyo is-afgarad ku saabsan sida ay u socon doonaan qorshayaasha siyaasadeed.

Sidoo kale, waxaa shirka lagu soo bandhigay aragtiyo ka duwan kuwa Dowladda Federaalka, taasoo muujinaysa in kulanku diiradda saari doono qaababka loo maareynayo isbeddellada dastuurka iyo tallaabooyinka siyaasadeed ee xiga.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories