HomeWararSawirro:-37 qof oo ku dhimatay dab ka kacay xarun Ganacsi Dalka Ruushka

Sawirro:-37 qof oo ku dhimatay dab ka kacay xarun Ganacsi Dalka Ruushka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Ugu yaraan 37 qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen xarun laga dukaamaysto oo ku taal magaalda Kemerovo ee Siberia. Warbaahinta Ruushka ayaa sheegaysa in tobonaan dad ah oo ay kamid yihiin caruur la la’yahay. Dabka ayaa ka bilowday dabaqa afaraad ee dhismaha lagu magacaabo Winter Cherry complex, dadka ku waxyeelloobay dabkaan ayaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ugu yaraan 37 qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen xarun laga dukaamaysto oo ku taal magaalda Kemerovo ee Siberia.

Warbaahinta Ruushka ayaa sheegaysa in tobonaan dad ah oo ay kamid yihiin caruur la la’yahay.

- Advertisement -

Dabka ayaa ka bilowday dabaqa afaraad ee dhismaha lagu magacaabo Winter Cherry complex, dadka ku waxyeelloobay dabkaan ayaa lagu soo warramayaa in badan koodu ay ku jireen shaneeemo.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu arkayey qiiq ka baxaya daaqadaha iyadoo dadka qaabilsan dab damiska ay isku dayayeen in ay badbaadiyaan dadka iyo hantida.

Kemerovo, ayaa ah deegaanka ugu weyn ee laga soo saaro dhuxusha, deegaankaan ayaa magaalda Moscow ka xiga dhanka bari qiyaastii 3,600km (2,200 miles).

- Advertisement -

Dhismaha oo la furay sanadkii 2013 ayaa ka koobnaa makhaayado, meelo shaneemooyinka lagu daawado iyo sidoo kale meelo ay caruurtu ku ciyaaraan.

Dabka ayaa la rumaysan yahay inuu ka kacay qayb ka mid ah dhismaha oo lagu madadaasho, sida ay kusoo warraymayso warbaahinta deegaanku.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Kemerovo, Vladimir Chernov ayaa sheegay in 13 maydad ah laga helay mid kamid ah qololka shaneemada.

Sida ay sheegayaan warar hordhac ah, saqafka saree ee dhismaha ayaa kusoo dumay labo kamid ah shaneemooyinka.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Tass hawl-wadeenada gargaarka dagdaga ah ayaa ku guulaystay in ku dhawaad 100 qof ay ka daad gureeyaan dhismaha, waxayna badbaadiyeen 20 kale.

Ilaa iyo hadda lama oga waxuu dabku ka dhashay balse masuuliyiinta ayaa wada baaritaan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts