HomeWararSawirro:-Golaha Wasiirada oo ansixiyey 14-heshiis oo ay kala saxiixdeen Dowladaha Soomaaliya iyo...

Sawirro:-Golaha Wasiirada oo ansixiyey 14-heshiis oo ay kala saxiixdeen Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Shirka golaha wasiirrada Soomaaliya oo uu guddoominayay Ra’iisulwasaaraha Dalka Xasan Cali Kheyre ayaa Maanta lagu ansixiyay heshiisyo dhawaan lala soo galay Dowladda Turkiga, iyadoo sidoo kale looga hadlay hannaanka caddaalada, amniga, dhaqaalaha iyo doorashooyinka 2020-ka. Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxa uu golaha uga war bixiyay Safarkii uu ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Shirka golaha wasiirrada Soomaaliya oo uu guddoominayay Ra’iisulwasaaraha Dalka Xasan Cali Kheyre ayaa Maanta lagu ansixiyay heshiisyo dhawaan lala soo galay Dowladda Turkiga, iyadoo sidoo kale looga hadlay hannaanka caddaalada, amniga, dhaqaalaha iyo doorashooyinka 2020-ka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxa uu golaha uga war bixiyay Safarkii uu ku tagay Dalka Hindiya, isagoo sheegay in Madaxweynaha Dalka Hindiya ay ka wada hadleen xariirka Labada Dal iyo sidii loo xoojin lahaa,wuxuuna intaa raaciyay in ay Dowladda Hindiya oggolaatay in Fiisaha Dalkaasi lagu gelayo lacag la’aan looga dhigo Soomaalida.

- Advertisement -

Shirka golaha wasiirrada ayaa intii uu socday waxaa la ansixiyay 14 heshiis iyo Is Af-garadyo ah oo Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ay kala saxiixdeen intii u dhexeysay 2013-2018, iyadoo ay 26-ka wasaaradood ee kulanka kasoo qayb galay ay ku ansixiyeen cod gacan taag ah, waxaana ka mid ahaa.

1) Heshiiska ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaalahA

2) Heshiiska iskaashiga gaadiidka Badda

- Advertisement -

3) Heshiiska Iskaashiga Maalgashiga

4) Heshiiska Iskaashiga Isbitaalka Ordugan

5) Heshiiska Iskaashiga Biyaha

 

6) Heshiiska Iskaashiga Canshuuraha

7) Heshiiska Iskaashiga Tamarta

8) Heshiiska Iskaashiga Caafimaadka Bulshada

9) Is-afgaradka Waxbarashada Sare

10) Is-Afgaradka wax soosaarka Beeraha

11) Is-afgaradka Kalluumeysiga

12) Is-Af-garadka Caafimaadka Xoolaha

 

13) Is-Afgaradka Guud ee abuuridda Guddiga iskaashiga Dhaqaalaha

14) Isfahamka Is-Afgaradka dhaqanka

Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federalka Soomaaliya,  Mudane Maxamed Abuukar  Isloow (Ducaale), oo golaha warbixin siiyay ayaa sheegay in Ciidanka xoogga Dalka oo kaashanaya ciidamana Nabad ilaalinta ee AMISOM ay deegaanno badan kala wareegeen kooxaha nabadiidka.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxa uu shirka golaha wasiirada ka sheegay in meel wanaagsan ay marayaan tirakoobka iyo Tayeynta Ciidamada Qalabka sida.

Wasiirka ayaa waxa uu sidoo kale ka hadlay Ciidamo dhawaan loo soo xiray tababar, kuwaas oo uu sheegay in ay qeyb ka qaadanayaan dedaallada Dalka looga xoreynayo kooxaha Xajgiriinta ah,wuxuuna intaa raaciyay in 200 oo Askari ay ku quudiyeen Lacag dhan $200, iyaga oo u sameeyay Cuntada Dalkeenna ka baxda si looga maarmo cunna dibedda laga keeno oo qarash badan uu ku baxo.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Dr; Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa waxa uu ka hadlay halka ay marayaan dedaallada Kobcinta dhaqaalaha heerkeeda 2-aad (SMP2) wuxuuna sheegay in bixinta mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidanka Dowladda ay si habsami leh ku socoto.

 

Mudane; Bayle waxa kale oo uu sheegay in dakhliga Sadexda Bilood ee ugu horeysa oo beesha caalamka ay ka sugeysay in  lasoo xareeyo $41 Milyan in illaa hadda ay soo xarootay $32 Milyan iyada oo  wali Bishii Sedaxaad ay socoto.

Wasiirka waxaa kale oo uu sheegay in Beesha caalamka ay oggolaatay in lasoo sameeyo lana daabaco Lacag cusub oo Shilin Soomaali ah.

Shirka intii uu socday waxaa looga hadlay hannaanka doorashooyinka 2020-ka iyo hannaanka sameynta xisbiyada badan, waxaanu golohu isku raacay in la dardar geliyo iyada oo lagu saleynayo  dastuurka u yaalla Dalka.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federlka Soomaaliya, Xasan Xuseen Xaaji ayaa waxa uu isna golaha kahor sheegay in ay meel wanaagsan marayaan qorshaha horumarinta caddaaladda Dalka, waxana golohu isla gartay in dib u eegis lagu sameeyo hanaanka cadaaladda Dalka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts