HomeWararWareysi:-Hooyada Mid ka mid ah Haweenkii Nadaafada ee Maanta la sumeeyay oo...

Wareysi:-Hooyada Mid ka mid ah Haweenkii Nadaafada ee Maanta la sumeeyay oo dhacdadaas ka sheekeysay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Barqanimadii Maanta ayaa waxaa Haween ka mid ah kuwa Nadaafada gobolka Banaadir gaar ahaan degmada Cabdul Casiis xili ay ku jireen howshooda Shaqo waxaa lagu buufiyey waxyaabo loo maleynayo in ay sunyihiin. Haweenka ayaa intooda badan waxa ay noqdeen kuwo suuxay,oo uu miirkii ka tegay halka kuwo kale jirkoodii uu isbedelay,kuwaas oo tiro ahaan lagu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Barqanimadii Maanta ayaa waxaa Haween ka mid ah kuwa Nadaafada gobolka Banaadir gaar ahaan degmada Cabdul Casiis xili ay ku jireen howshooda Shaqo waxaa lagu buufiyey waxyaabo loo maleynayo in ay sunyihiin.

Haweenka ayaa intooda badan waxa ay noqdeen kuwo suuxay,oo uu miirkii ka tegay halka kuwo kale jirkoodii uu isbedelay,kuwaas oo tiro ahaan lagu sheegay ilaa 14 haween ah.

- Advertisement -

Haweenkaas maanta dhibaatada la kulmay ayaa waxaa ka mid ahaa gabar Magaceeda lagu sheegay faa’izo Jiinow Cabdulle,taas oo ilaa iyo hadda la suuxsan dhibaatadii ka soo gaartay Suntii lagu buufiyay.

Madiino Cumar Maxamuud waa hooyada dhashay Faa’izo waxa ay sheegtay in Gabadheeda iyo Haween kale Gaari NOHA uu u yimid kadibna uu ku buufiyay waxayabo loo maleynayo Sun,intaasi kadibna uu gaarigii u cararay dhanka Isbitaalka Keysaneey.

Waxa ay sheegtay in Gabadheeda la geeyay mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho si loogu daweeyo,kadib markii uu jirkeeda qeyb ka mid ah bararay,isla markaana sidoo kale ay aragtay haween kale oo iyana dhibaatadaas ay gaartay,kuwaas oo qaarkood la daweynayo.

- Advertisement -

Hooyo Madiina oo Wareysi siineysay Radio Dalsan ayaa waxa ay sheegtay in Gabdheeda xaaladeeda ay xoogaa soo hagaageyso balse weli hadalka uu dhibayo sidoo kalena dadka aysan kala aqoon.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Hooyo Cumar Maxamuud oo dhameystiran.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts