HomeWararSawirro:-Gudoomiye Yariisow oo Odayaasha Dhaqanka Muqdisho kala hadlay laba qodob

Sawirro:-Gudoomiye Yariisow oo Odayaasha Dhaqanka Muqdisho kala hadlay laba qodob

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo kulan la qaatay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka magaalada Muqdisho ayaa kala hadlay horumarka iyo amniga Caasimadda. Guddoomiyaha ayaa ku bogaadiyey odayaasha dhaqanka Gobolka sida ay ugu taaganyihiin horumarinta iyo dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, isagoona u ballan qaaday in tallooyinka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo kulan la qaatay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka magaalada Muqdisho ayaa kala hadlay horumarka iyo amniga Caasimadda.

Guddoomiyaha ayaa ku bogaadiyey odayaasha dhaqanka Gobolka sida ay ugu taaganyihiin horumarinta iyo dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, isagoona u ballan qaaday in tallooyinka iyo qorsheyaasha horumarineed ee ay soo bandhigeen Maamulka Gobolku uu siin doono mudnaan iyo tix-gelin.

- Advertisement -

Eng. Yarisow ayaa ugu baaqay Shirkadaha gaarka loo leeyahy iyo qurba joogta Soomaaliyeed in ay kaalin mug leh ka qaataan dhisidda iyo dayactirka waddooyinka magaalada Muqdisho maadaama ay muhiim u tahay bilicda caasimadda, sidoo kalena goobaha laga hirgeliyo jidadka laamiga ah ay ka abuurmeen fursado shaqo iyo dhaq dhaqaaq ganacsi oo mug weyn.

“In Laamiga aan gaarsiinno isgooyska Fagax iyo Xaawo Casir waan balan qaadnay anaga oo isku tashanayna dhawaan ayaana dhagax dhigi doonaa, balse qorshahaan iyo qorsheyaasha kale waxa ay u baahanyihiin in bulshadu kaalintooda ka qaataan, dibna aan u soo nooleyno isku tashigii ay ku tilmaamnaayeen shacabka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Guddoomaha oo la hadlayey odayaasha dhaqanka.

Odayaasha dhaqanka oo dhankooda uga mahad celiyey Maamulka Gobolka sida wanaagsan ee loo tixgeliyey soo jeedintooda, ayaa ballan qaaday in kaalin muhiim ah ay ka qaadan doonaan sidii looga mira dhalin lahaa dadaallada isku tashiga ah ee lagu hormarinayo Caasimadda.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka ayaa ka guddoomay odayaasha dhaqanka codsi ay soo gudbiyeen bulshada ku dhaqan degmooyinka Kaaraan iyo Heliwaa kaas oo ku saabsanaa in loo hirgeliyo dayac tirka laamiyada mara isgoyska Fagaxda iyo deegaanka Caawo Casir, iyadoona bulshadu ay soo bandhigeen in ay kaalintooda ka qaadanyaan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts