HomeWararRW Kheyre oo Amar dul-dhigay Wasaaradda Maaliyadda Dowladda

RW Kheyre oo Amar dul-dhigay Wasaaradda Maaliyadda Dowladda

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, mudane Xasan Cali Khayre ayaa Wasaaradda Maaliyadda faray fududeynta kharashaadka ku baxaya dadaallada looga hortagayo fatahaadda Beledweyne ee wadajirka ay u wadaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, si looga baajiyo fatahaad ku soo rogmata magaalada. Ra’iisul wasaaraha oo warbixin faahfaahsan ka dhageystay guddi hoosaadka ka hor tagga fatahaadaha ayaa dhammaan qeybaha kala duwan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, mudane Xasan Cali Khayre ayaa Wasaaradda Maaliyadda faray fududeynta kharashaadka ku baxaya dadaallada looga hortagayo fatahaadda Beledweyne ee wadajirka ay u wadaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, si looga baajiyo fatahaad ku soo rogmata magaalada.

Ra’iisul wasaaraha oo warbixin faahfaahsan ka dhageystay guddi hoosaadka ka hor tagga fatahaadaha ayaa dhammaan qeybaha kala duwan ee ee bulsahda ugu baaqay in xoogga la iskugu geeyo ka hortago fatahaadda oo aan la sugin waxyeellada.

- Advertisement -

Dadaallada iminka socda ayaa isugu jira; Carro-tuur lagu sameynayo meelaha uu jiinka webiga ka jilicsan yahay iyada oo la isticmaalayo agab u adkeysan kara biyaha muddo fog iyo furista kanaallo yar yar oo qeyb ka qaadan kara hoos u dhigidda biyaha webiga, arrinkaan ayaa ka dhashay qiimeyn lagu sameeyay goobaha uu webigu ka fataho iyo cabbirka biyaha ay xilli roobaadkan gaari karaan.

Guddiga ayaa sheegay in diyaarado lagu daabulayo agab dheeraad ah oo loogu tala galay in biyaha looga celiyo magaalada Beledweyne, si ay u guuleystaan dadaallada iyo iskaashiga shacabka iyo dowladda, looguna gogol xaaro hannaan ay bulshadu cabsi la’aan ugu noolaan karto magaalada.

Dowladda Federaalka ah ayaa dhowaan soo bandhigeysa qorshe ballaaran oo xal waara loogu raadinayo fatahaadaha soo laalaabta ee ka dhasha wabiyada iyo roobaka kuwaas oo sannad waliba dhibaata xaddigeedu ballaaranyahay gaarsiiya qaybo badan oo kamid ah dalka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts