HomeWararQarax ka dhacay Muqdisho iyo khasaaro ka dhashay

Qarax ka dhacay Muqdisho iyo khasaaro ka dhashay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Qaraxayaan ayaa waxa uu ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Sanca qeybta degmada Kaaraan ee Gobolka banaadir,waxaana la sheegay in uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah. Qaraxa ayaa lala eegtay Gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya balse aan waxba ka soo gaarain,waxaana la sheegay in ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Qaraxayaan ayaa waxa uu ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Sanca qeybta degmada Kaaraan ee Gobolka banaadir,waxaana la sheegay in uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Qaraxa ayaa lala eegtay Gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya balse aan waxba ka soo gaarain,waxaana la sheegay in ku dhawaad 10 Ruux oo Shacab ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen

- Advertisement -

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Gaariga uu la socday Gudoomiye ku xigeenka amniga Iyo Siyaasada degmada Deeyniile oo lagu magacaabo Axmed Nuur Adeerow,waxana badi dadka wax ku noqday ay yihiin Shacab Salaad ku soo dukaday Masjid u dhow Iskuul Godey oo ku yaalla meel aan ka fogeyn goobta uu qaraxa ka dhacay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa goobta qaraxa ka dhacay gaaray walow aysan dad u qaban qaraxaas,waxana uu saameyn ku yeeshay Goobo Ganacsi oo ka agdhow goobta uu qaraxa ka dhacay.

Wararkii u dambeeyey ee masoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada bartii uu qaraxa ka dhacay ay haatan tahay mid caadi ah oo sideedii hore ku soo laabatay.

- Advertisement -

Qaraxyada miinada nooca dhulka lagu aaso ah ayaa Maalmihii la soo dhaafay waxa uu ku soo batay Magaalada muqdisho iyo duleedkeeda kaas oo inta badan ay ku waxyeelooban dadka Shacabka ah ee ku sugan halka qaraxa uu ka dhaco.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts