HomeWararSawirro:- Maamulka G/Banaadir oo soo bandhigay Qorshe lagu dayactirayo qaar ka mid...

Sawirro:- Maamulka G/Banaadir oo soo bandhigay Qorshe lagu dayactirayo qaar ka mid ah xarumaha degmooyinka

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay oo ka dhacday Xarunta Aqalka D/Hoose ayaa maanta lagu furay codsiyo ku saabsanaa Qandaraas dayactir ee xafiisyo loogu adeegi doono dadweynaha ku nool ilaa 6 degmo oo kala ah; (Xamarweyne, Shangani, Shibis, Bondhere, Wartanabadda iyo Cabdicasiis). Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha G/Benaadir ahna Duqa Muqdisho […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay oo ka dhacday Xarunta Aqalka D/Hoose ayaa maanta lagu furay codsiyo ku saabsanaa Qandaraas dayactir ee xafiisyo loogu adeegi doono dadweynaha ku nool ilaa 6 degmo oo kala ah; (Xamarweyne, Shangani, Shibis, Bondhere, Wartanabadda iyo Cabdicasiis).

Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha G/Benaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yarisow), Ku xigeenka Duqa Magaalada ee dhanka Maamulka iyo Maaliyadda Xuseen Maxamed Nuur, Guddoomiyaaasha Degmooyinka ka faa’iideysanaya dhismahaan, Wakiilada shirkadaha ku tartamaya qandaraaska iyo qaar ka mid ah Agaasima waaxyada D/Hoose.

- Advertisement -

Barnaamijkan ayaa u jeedkiisa yahay in lagu daadajiyo adeegyada ay bixiso dawladda hoose sida Shatiyada Ganacsiga, Shahaadooyinka Dhalashada, Fasaxa dhismooyinka iyo qaadista canshuuraha guryaya IWM ee Degmooyinka Gobolka. Waxa uu u sahli doonaa mashruucaani muwaadiniinta in ay si fudud oo dhawaasha leh ay ku helaan adeegyadaasi sidoo kalane ay meesha ka baxaan caqabadihii ka imaan jiray waqtiga iyo hanaanka lagu helo adeegyada dadweyanha.

Duqa Muqdisho Eng. Yarisow oo si rasmi ah u furay munaasabadda ayaa amaanay hanaanka daahfurnaanta iyo xirfadda leh ee uu u soo bilaawday tartanka isagoo hoosta ka xariiqay in Dawladda hoose ay mar walba ka goántahay daadajinta adeegyada loona yeelo tayo dakuna ay si cadaalad leh u wada helaan adeegyadaaasi. Waxa uu carabka ku adkeeyay in Dawladda hoose ay si xoog leh ula dagaalayso dhaqanada xun-xun ee dhanka shaqada sida wax isadaba marinta ka dhalan karta bixinta adeegyada dadweynaha. Waxa uu intaa raaciyay in Dawladda Hoose ay talaab sharciga waafaqsan ka qaadi doonto cid walaba oo ka mid ah shaqaalaha ee ku kacda falal sharciga iyo habraacyada shaqada ka soo horjeeda iyo sidoo kale cid walba oo gacan ku siisa howlahaasi.

Dawladda Hoose ee Muqdisho ayaa u saari doonto guddi gaara ah ee ka shaqeeya howsha qiimaynta iyo goáan ka gaarista qandaraaslaha ku guuleesta tartankaani sida ay cadeeysay D/Hoose iyadoo lagu soo gababgabayn doono ilaa dhamaadka usbuucaani taasoo ku aadan 6 da April, 2018.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts