HomeWararSawirro:-Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland oo lagaga hadlay Sharciga bixinta dhulalka

Sawirro:-Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland oo lagaga hadlay Sharciga bixinta dhulalka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka caadiga ah ee golaha Wasiirada. Kulanka maanta ayaa diirada lagu saaray qodobo kala duwan iyadoo ugu horayn Madaxweynahu uu faah faahin ka bixiyay xaalada guud gaar ahaan Siyaasada iyo amaanka. Madaxweynahu wuxuu sheegay in uu socdo dardar galinta howlaha isku dubaridka Hay’adaha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka caadiga ah ee golaha Wasiirada.

Kulanka maanta ayaa diirada lagu saaray qodobo kala duwan iyadoo ugu horayn Madaxweynahu uu faah faahin ka bixiyay xaalada guud gaar ahaan Siyaasada iyo amaanka.

- Advertisement -

Madaxweynahu wuxuu sheegay in uu socdo dardar galinta howlaha isku dubaridka Hay’adaha amaanka gaar ahaan Ciidamada qalabka sida.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu hoosta xariiqay in xaalada Siyaasada iyo amaanku ay yihiin kuwo caadi ah oo sidii loogu talagalay kusocda.

Madaxweynahu waxaa kale oo golaha uu uga warbixiyay sharciga dhismaha dhulka iyo bixintiisa oo uu xalay saxiixay isla markaana dhaqan galintiisa ay iska kaashanayaan Wasaarada Howlaha guud iyo Wasaaradaha bah wadaagta la ah.

- Advertisement -

Shircigan oo in mudo ah laga soo shaqaynayay ayaa noqonaya kii ugu baahida badnaa ee dhawaanahan ay golahu meel mariyaan iyadoo muranada dhulka la xiriira ay ahayeen caqabada ugu weyn afartii sano ee lasoo dhaafay.

Madaxweyne ku xigeenka koobad Mudane Maxamuud Sayid Aaadan ayaa ka warbixiyay shirar uu kaga soo qayb galay Magaalada Nairobi kuwaas oo lagaga hadlayay arimaha hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo Dowlad wanaaga.

Wasiirka Madaxtooyada Mudane Axmed Abdirahmaan Xasan ayaa golaha usoo gudbiyay heshiiska shirkada Milestone kaas oo la xiriira samaynta Master Planka Magaalada Kismaayo iyo Magaalooyinka kale ee Jubbaland iyo dib u dhiska Adeegyada aas aaska u ah hormarinta Magaalooyinka.

Heshiiskan ayaa marka ugu horaysa ka dhaqan gali doona Magaalada Kismaayo iyadoo kadibna la gaarsiin doono Magaalooyinka kale ee Jubbaland.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts