HomeWararDowladda Soomaliya oo u yeertay Safiirka Imaaraadka u jooga Soomaaliya waxna ka...

Dowladda Soomaliya oo u yeertay Safiirka Imaaraadka u jooga Soomaaliya waxna ka weydiisay Arrinta DP World

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

  Magalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya iyo Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Axmed Al-Cusmaan Xamaadi,iyaga oo ka wada hadlay arrinta Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta. Kulankaas ayaa ahaa mid Safiirka ay u yeertay Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya,waxaana labada masuul ay ka wada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

 

Magalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya iyo Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Axmed Al-Cusmaan Xamaadi,iyaga oo ka wada hadlay arrinta Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

- Advertisement -

Kulankaas ayaa ahaa mid Safiirka ay u yeertay Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya,waxaana labada masuul ay ka wada hadleen Go’aankii baarlamaanka Soomaaliya ay dalka uga mamnuuceyn Shirkadda DP World iyo heshiiskii Saddex geesoodka ahaa ee u dhaxeeyey Dowladda Itoobiya,Shirkada DP World iyo Maamulka Soomaaliland.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan marnaba aqbali doonin in lagu xadgudbo madaxbanaanideeda,isla markaana mashaariicda horumarineed ay dhammaan gaarsiin doono Gobolada dalka Soomaaliya,sidaas daraadeedna aan la ogolaan doonin heshiis Sharcidarro ah.

Maxamed Axmed Al-Cusmaan Xamaadi Safiirka Imaaraadka ee u fadhiya Soomaaliya ayaa isna waxa uu sheegay in Imaaraadka uu ka Go’an yahay dhowrista iyo xushmeynta iyo ilaalinta madax banaanida Soomaaliya,sidaas silamid ahna ay siiwadi doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

- Advertisement -

U yeeritaanka dowladda Soomaaliya ee Safiirka Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya waxna  looga weeydiiyay heshiiskii DP World ee Dekada Berbera iyo Go’aankii dalka looga mamnuucay shirkadooda ayaa waxa uu ku soo aadayaa xili aan weli madaxweyne Farmaajo loo gudbin xeerkii dalka looga mamnuucay Shirkadaas si uu u saxiixo,kadib ansixintii Baarlamaanka Soomaaliya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts