HomeWararSawirro:-Gudoomiye Jawaari oo xiisada ka taagan dalka kala hadlay Madaxda Midowga Afrika

Sawirro:-Gudoomiye Jawaari oo xiisada ka taagan dalka kala hadlay Madaxda Midowga Afrika

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ay wehlinayeen Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad, Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka C/kariin Xaaji Cabdi (Buux)ayaa kulan la qaatay Wakiilka Midowga Afrika ee AMIOM Fransico Madiera iyo Saraakiil kale oo tirsan AMISOM. Kulanka ayaa waxa uu ka dhacay Xarunta Xalane ee Magalada Muqdisho,waxana ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ay wehlinayeen Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad, Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka C/kariin Xaaji Cabdi (Buux)ayaa kulan la qaatay Wakiilka Midowga Afrika ee AMIOM Fransico Madiera iyo Saraakiil kale oo tirsan AMISOM.

Kulanka ayaa waxa uu ka dhacay Xarunta Xalane ee Magalada Muqdisho,waxana ay uga wada hadleen xiisada Siyaasadeed ee dalka ka taagan taas oo ka dhalatay mooshinkii Xildhibaano ka tirsan Golaha Sacabka ay ka gudbiyeen Gudoomiye Jawaari.

- Advertisement -

Gudoomiye Jawaari iyo Wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya Fransico Madiera ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha ku saabsan Ciidamada la wareegay Xarunta golaha Shacabka iyo sugida amniga iyo qodobo kale.

In kastoo kulankaas ay Saxaafada Banaanka ka joogtay ayaa hadana Warar soo baxayay ayaa waxa ay sheegayeen in gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu AMISOM ka dalbaday in ay ciidamo geeyaan Xarunta Golaha Shacabka balse aan weli jawaab laga helin AMISOM.

Kulanka Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya  Fransico Madiera ayaa ku soo aadaya xili weli ay taagan tahay xiisada Siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinkii laga gudbiyey Gudoomiye Jawaari taas oo aan xal loo helin,waxana dhawaan la filayaa in la qabto kulan cod loogu qaadayo mooshinkaas,in kastoo weli lagu muran san yahay halkii lagu qaban la’haa kulankaas.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts