HomeWararAkhriso:- Magaca Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo Taliska xoogga dalka ay ...

Akhriso:- Magaca Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo Taliska xoogga dalka ay sheegeen in uu isku soo dhiibay

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Sarkaalkaan oo Al-shabaab u qaabilsanaa sameynta miinooyinka iyo qaraxyada waaweyn ayaa lagu magacaabaa Caddow Macalin Isxaaq, waxaana uu isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaana Taliska Qeybta 60-aad ee Xoogga Dalka. Saraka alkaan ayaa si gaar ah Alshabaab ugu qaabilsanaa gobolada Jubbada Hoose, Baay, Bakool, Gedo, Banaadir iyo deegaano kamid ah gobolada dhexe ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Sarkaalkaan oo Al-shabaab u qaabilsanaa sameynta miinooyinka iyo qaraxyada waaweyn ayaa lagu magacaabaa Caddow Macalin Isxaaq, waxaana uu isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaana Taliska Qeybta 60-aad ee Xoogga Dalka.

Saraka alkaan ayaa si gaar ah Alshabaab ugu qaabilsanaa gobolada Jubbada Hoose, Baay, Bakool, Gedo, Banaadir iyo deegaano kamid ah gobolada dhexe ee dalka, waxaana uu Al-shabaab sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamada Dowladda.

- Advertisement -

Caddow Macalin Isxaaq ayaa sheegay in isaga iyo dhalinyaro kale oo ka bar bar dagaalamaysey Al-shabaab si gaar ah ay u taabatay weerarkii 14-October ee Isgoyska Zoobe, taasina ay keentay in dhalinyaro badan ay go’aansadaan in ay isaga soo baxaan Maleeshiyaadkaasi.

“Waxaan marqaati kasoo noqday in ay been abuur tahay in Al-shabaab ay diin u dagaalamayaan, si arxan daro ah ayey u laayaan dadka Soomaaliyeed, taas ayaana garanay aniga iyo dhalinyaro kale oo hadda isku dayaya iney isaga soo tagaan”ayuu yiri Caddow Macalin Isxaaq.

Ismaaciil Khaliif Shire Abaanduulaha Qeybta 60-aad  ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa uga baaqey raga weli ka barbar dagalamaya Al-Shabaab in ay ku daydaan Caddow oo ay isoo dhiibaan . waxaana u balan qaadey in si wanaagsan loo soo dhaweyn doono.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhowr jeer sheegay in dowladdu ay cafis u fidinayso dhalinyarada ay qaldeen Alshabaab,haddii ay isku soo dhiibaan Dowladda.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts