HomeWararIsgoysyada qaar ee Magaalada Muqdisho oo weli xiran

Isgoysyada qaar ee Magaalada Muqdisho oo weli xiran

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Magaalada Muqdisho ayaa weli Isgoysyadeeda qaar ay xiran yihiin mudo ku dhow todobaad iyada oo loo diidayo in Gaadiidka iskala gudbaan Isgoysyada taasna ay cabasho ka keeneen Shacabka Muqdisho. Isgoysyada weli xiran ayaa waxaa ka mid ah Isgoysyada Tarabuunka, Banaadir Isgoyska,Dabka, Sanca iyo Isgoysyo kale oo ku yaalla magaalada Muqdisho. Gaadiidka ayaa markii ay marayaan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Magaalada Muqdisho ayaa weli Isgoysyadeeda qaar ay xiran yihiin mudo ku dhow todobaad iyada oo loo diidayo in Gaadiidka iskala gudbaan Isgoysyada taasna ay cabasho ka keeneen Shacabka Muqdisho.

Isgoysyada weli xiran ayaa waxaa ka mid ah Isgoysyada Tarabuunka, Banaadir Isgoyska,Dabka, Sanca iyo Isgoysyo kale oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Gaadiidka ayaa markii ay marayaan mid ka mid ah Isgoysyada ayaa ciidamadu celinayaan,waxana dadka saaran Gawaaridaas ay markii ka tallaabaan Isgoyska ay mid kale oo kala wareeg ah ka raacayaan.

Shacabka Magaalada muqdisho ayaa aad ula yaabaan dhibaatadaan soo korortay oo ku aadan in Isgoysyada qaar ee Magaalada Muqdisho  la xiray,dadkuna halkii ay doonayaan ay mudo saacadaha wadada ku sii jirayaan oo aysan gaari karin.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ayaa xiligii uu ku jiray ololihiisii doorashada waxa uu sheegay in uu ka duwanaan doono madaxdii ka horeysay oo wadooyinka xiri jiray,waxana dadka badankood ay aaminsan yihiin in balantii uu uga baxay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts