HomeWararSawirro:-Madaxweynaha Soomaaliland oo la kulmay Safiirka Denmark u qaabilsan Soomaaliya

Sawirro:-Madaxweynaha Soomaaliland oo la kulmay Safiirka Denmark u qaabilsan Soomaaliya

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweynaha Maamulka  Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta Madaxtooyada Maamulkaas ee Magaalada Hargeysa waxa uu ku qaabiley wafdi  ay hoggaaminaysay Safiirka Denmark u qaabilsan Soomaaliya Amb. Mette Knudsen oo ay wehelinayso Anne Elisabeth oo ah madaxa xafiiska Hay’adda horumarinta caalamiga ah ee dalka Denmark  u qaabilsan Soomaaliya. Muuse Biixi Cabdi waxa uu Safiirka ku bogaadiyey boqashada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Maamulka  Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta Madaxtooyada Maamulkaas ee Magaalada Hargeysa waxa uu ku qaabiley wafdi  ay hoggaaminaysay Safiirka Denmark u qaabilsan Soomaaliya Amb. Mette Knudsen oo ay wehelinayso Anne Elisabeth oo ah madaxa xafiiska Hay’adda horumarinta caalamiga ah ee dalka Denmark  u qaabilsan Soomaaliya.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu Safiirka ku bogaadiyey boqashada ay ku timid Somaliland, isagoo ku hambalyeeyey doorka muuqda ee Dalka Denmark ka qaato kaalmooyinka sanduuqa horumarinta dhaqaalaha Somaliland ee (SDF), iyo hay’adaha ka hawl-gala Somaliland, iyo xiriirka saaxiibtimimo ee ka dhexeeya.

- Advertisement -

Sidoo kale waxa uu Warbixin ka siiyey qorshayaasha xukuumadda ee shanta sanno ee soo socda iyo xaaladda guud ee abaaraha ka soo cusboonaaday xeebaha iyo gobolada Soomaaliland, isaga oo ku dhiirri-geliyey madaxweynuhu sidii ay gacan uga geysan lahaayeen arrinta abaaraha.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu u bandhigay dedaalka xukuumaddu ugu jirto sidii aanay doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanku dib uga dhici lahayn wakhtigii loo qorsheeyey oo ah horraanta sanadka 2019ka.

Labada masuul ayaa sidoo kale waxa ay ka wada hadleen  sidii ay isaga kaashan lahaayeen labada dhinac shaqo abuur ay helaan dhalinyarada Somaliland oo u baahan jihayn iyo in loo abuuro shaqooyin, waxaanu madaxweynuhu kala hadlay safiirada wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo lagu wado inay dhawaan dib u bilowdaan.

- Advertisement -

Dhinaca kale Safiirka Denmark u qaabilsan Soomaaliya Amb. Mette Knudsen  waxa ay sheegtay in ay xoojin doonaan ka Denmark ahaan xiriirka labada dhinac ka dhexeeya, isla markaana ay xoogga saari doonaan iskaashiga labada dal  iyo horumarinta ganacsiga, waxaanay madaxweynaha ku hambalyeysay hannaankii hufnaa ee ay u dhacay doorashadii madaxtooyada ee qabsoontay November 2017.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Kulanka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts