HomeWararSawirro:-Duqa Muqdisho oo Wareejiyey dhul lagu tababari doono Ciidanka Xoogga Dalka

Sawirro:-Duqa Muqdisho oo Wareejiyey dhul lagu tababari doono Ciidanka Xoogga Dalka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa wareejiyey dhul ku yaalla degmada Wadajir ee Deegaanka Jazeera oo Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ay dawladda Turkiga uga dhisi doonto xarun tababar oo casri ah. Guddoomiye Yariisow ayaa tilmaamay in dhulkan ay lahaayeen intiisa badan Ciidanka Xoogga Dalka, isla markaana si-deg deg […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa wareejiyey dhul ku yaalla degmada Wadajir ee Deegaanka Jazeera oo Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ay dawladda Turkiga uga dhisi doonto xarun tababar oo casri ah.

Guddoomiye Yariisow ayaa tilmaamay in dhulkan ay lahaayeen intiisa badan Ciidanka Xoogga Dalka, isla markaana si-deg deg ah looga dhisi doono xarun qalabkeedu u dhameystiran yahay oo lagu tababarayo Ciidanka X.D.S.

- Advertisement -

Dhulkan waxaan u bixinay dan guud in loo isticmaalo iyo sidii uu u noqon lahaa xarun lagu tababaro Ciidanka, waana qorshe wax tar u leh bilicda iyo amniga gobolka iyo guud ahaan dalka.”

Sidoo kale, Guddoomiye Yarisow waxa uu sheegay in dhulkan qeyb ka mid ah ay lahaayeen dad shacab ah balse ay isku af-garteen Wasaaradda Gaashaandhigga Dawladda Federaalka ah in dadkaas loogu badelo dhulal kale oo ay ku leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka gudaha magaalada Muqdisho.

“Waxaan ka wada hadlanay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wasaaradda Gaashaandhigga sidii loo maareyn lahaa qaar ka mid ah bogcadaha dhulkan oo ay qaar lahaayeen dad shacab ah, Arrinkaas oo aan guddi baaritaan u saareyno. Cid kasta oo dokuminti sax ah la timaadana waxa aan u qoondeynaynaa dhul kale oo la qorsheyn doono”. Ayuu yiri Eng.Yariisow.

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Maxamed Mursal iyo Taliyeha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa bogaadiyey wada shaqeynta wanaagsan ee ka dhaxeysa Ciidanka iyo bulshada Gobolka, iyagoona sheegay in ay kala shaqeynayaan Maamulka Gobolka sidii xal loogu heli lahaa dadka qeybta ku lahaa dhulkan loo aqoonsaday danta guud.

Taliyaha Xarunta Tababarka Turkiga ee Soomaaliya Jeneraal Maxamed Yaasiin ayaa tilmaamay xiriirka walaaltinimada leh ee ka dhaxeeya labada dal, waxa uuna sheegay in ay kaalin muhiim ah siinayaan dib u dhiska Soomaaliya gaar ahaan dhanka amniga iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts