HomeWararSawirro:-Ciidamada NISA oo howlgal Dad farabadan lagu qabtay ka sameeyey Muqdisho

Sawirro:-Ciidamada NISA oo howlgal Dad farabadan lagu qabtay ka sameeyey Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Howlgalkaani oo Xalay Ciidanka NISA ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah Degmadda Hoddan, ayaa waxaa Hoggaaminayay Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Tuulah iyo Giddoomiyaha Degmadda Hoddan Mohamed Ahmed Cantoobo. Howlgalkan oo ka Dhacay Xalay Waaxda Taleex ee Degmadda Hoddan ayaa Ciidanka NISA waxaa ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Howlgalkaani oo Xalay Ciidanka NISA ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah Degmadda Hoddan, ayaa waxaa Hoggaaminayay Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Tuulah iyo Giddoomiyaha Degmadda Hoddan Mohamed Ahmed Cantoobo.

Howlgalkan oo ka Dhacay Xalay Waaxda Taleex ee Degmadda Hoddan ayaa Ciidanka NISA waxaa ay guri guri u baareen dhammaan Xaafadaha uu howlgalka ka socday, waxaana ay ku soo qabteen dhalinyaro aad u badan.

- Advertisement -

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolla Banaadi Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Tuulax ayaa dadka howlgalka lagu soo qabtay u balan qaaday in cidna aan lasaari doonin danbi aysan galin, lana kala saari doono dadka tuhunka laga qabo iyo kuwa aan laga qabin, waxaana Guddoomiyaha uu mid mid ula sheekeeyay dadka xaafadaha laga soo aruuriyay kuwaas oo dareemay kalsooni badan.

Ciidanka NISA ayaa sameeyay baaritaano ay kula kala saarayaan dadka la soo aruuriyay, ayagoo adeesanaya Xeelado kala duwan.

Guddoomiyaha Degamadda Hoddan Munade Maxamed Axmed Cantoobo oo baarista ka dib lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Baaritaankan uu ahaa mid lagu Xaqiijinayo Amniga Degmadda, waxaana uu tilmaamay in si guul ah uu ku soo dhammaaday.

- Advertisement -

Guddoomiye ku Xigeenka 1aad ee Amniga Iyo Siyaasadda Mudane Tuulax oo lahadlay warbaahinta Baarista ka dib ayaa sheegay in howlgalkan uusan ku ekeen xalay kaliya, balse si siman looga wada fulindoono dhammaan degmooyinka Gobolka Banaadir.

“Waxaan u Mahadcelinayaa Ciidanka Amniga NISA ee Caawa Howlgalkani sameeyay, waxaan aad ugu riyaaqay runtii sida anshaxa iyo qadarinta badan oo aad ula dhaqanteyn bulshada, waxaana ay nagalisay rajo aad u weyn, howlgalkani waxaa uu ahaa mid lagu ugaarsanayay Cadowga Umaddaan kaas oo markasta shacabka ku dhax-dhuunta, waxaana caawa halkan aan u joogaan Xiligan, waa in aan xaqiijino Ambiga Caasimadda, taas oo ah mid naga go’an hadaanahay Maamulka iyo Hay’adaha Amniga Gobolka Banaadir, LKN Shabacka Caasimadda waxaa ka rabnaa laba arrimood, In ay nagu caawiyaan soo qabasha iyo ugaarsiga Cadowga oo ay noo far-muqaan, iyo in ay noo dulqaataan inta aan ku jirno howlgalada Cadowga lagu baacsanayo”

Saraakiisha Ciidanka NISA ee Howlkan fuliyay ayaa sidoo kale si waanagsan u la dhaqmay dadka laga Soo aruuriyay Xaafada uu howlgalka ka socday, waxaana inta uu howlgalka socday la arkayay, Ciidanka oo si Asuul ay ka muuqato u ladhaqmaya Bulshada, una sheegaya in aysan jirin qof xad-gudub lagu sameenayo taas oo isu soo dhawaansho ka dhax abuurtay ciidanka iyo Shacabka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts