HomeWararSawirro:-Arday Imtixaan u gashay hogaanka Caafimaadka ee Ciidanka Xooga Dalka

Sawirro:-Arday Imtixaan u gashay hogaanka Caafimaadka ee Ciidanka Xooga Dalka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

200 Ardey oo kasoo qalin jabisay Jaamacadaha kala duwan ee dalka ayaa waxaa maanta xarunta Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed looga qaaday Imtixaano la xiriira Dhaqtar iyo Kalkaaliye, waxaana dadka ku guuleysta ay ku biiriyaan Hoggaanka Caafimaadka Ciidamadda Xoogga dalka. Jeneral Liibaan Xuseen Jaamac Madaxa hoggaanka Caafimaadka Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in Imtixaankan laga qaaday 200 […]

- Advertisement -
- Advertisement -

200 Ardey oo kasoo qalin jabisay Jaamacadaha kala duwan ee dalka ayaa waxaa maanta xarunta Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed looga qaaday Imtixaano la xiriira Dhaqtar iyo Kalkaaliye, waxaana dadka ku guuleysta ay ku biiriyaan Hoggaanka Caafimaadka Ciidamadda Xoogga dalka.

Jeneral Liibaan Xuseen Jaamac Madaxa hoggaanka Caafimaadka Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in Imtixaankan laga qaaday 200 oo Arday, iyadoo la qaadan doono ardayda kaalmaha hore gala.

- Advertisement -

Jeneral Liibaan Xuseen ayaa sheegay in Shaqsiyaadka guuleysta ay ka shaqeyn doonaan Isbitaalka Ciidanka Xoogga dalka, sidoo kalena la geyn doono xarumaha ciidamadda ee Gobalada dalka, maadaama la rajeynayo in ay ka bilowdaan Howlgalo guud ahaan dalka looga saarayo Cadowga Nabad diidka ee Al shabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa hore u amray in Ciidamadda Xoogga dalka ay kasoo dhex muuqdaan Dhalinyarada wax ka baratay, si loogu guuleysto in guud ahaan dalka amnigiisa la sugo, dhalinyaradana ay fursad u helaan inay dalkooda wax ugu qabtaan aqoonta ay leeyihiin.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts