HomeWararSawirro:-Wasaaradda Gaadiidka iyo Shirkadda Sahal oo Heshiis kala saxiixday

Sawirro:-Wasaaradda Gaadiidka iyo Shirkadda Sahal oo Heshiis kala saxiixday

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa kormeer  ku tagay  xarunta Sahal oo Rakaabka ka dhoofa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho  u fududaysa adeegyadooda iyada oo isticmaalaysa basas. Intii uu ku jiray Kormeerka Wasiirku waxa uu la kulmay Shaqaalaha shirkadda oo ay ku jiraan dad naafa ah isagoo ku dhiira galiyay shaqadooda. Wasiirka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa kormeer  ku tagay  xarunta Sahal oo Rakaabka ka dhoofa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho  u fududaysa adeegyadooda iyada oo isticmaalaysa basas.

Intii uu ku jiray Kormeerka Wasiirku waxa uu la kulmay Shaqaalaha shirkadda oo ay ku jiraan dad naafa ah isagoo ku dhiira galiyay shaqadooda.

- Advertisement -

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdulaahi Salaad (Oomaar) iyo Maamulaha Shirkadda Jabril Maxamuud Geedi  ayaa kala sixiixday heshiis is afgarad ah oo dib loogu eego howlaha shirkadda

Wasiirka Gaadiidka iyo Duuliista Hawada Soomaaliya Mudane Oomaar ayaa sheegay in dib u eegista heshiiskii hore ay isku afgarteen shirkadda.

‘’ Dadweynaha Soomaaliyeed mudda badan ayay na waydiinayeen adeegyadda shirkadani anagoo ka ambaqaadayna hab maamulka wanaagsan waxaan shirkadani ku heshiinay, heshiiskii ay horay  ula gashay dowladda inaan dib u eegis ku sameyno iyada oo laga fiirinayo in dowladda, shirkadda iyo shacabkaba ay ka faa’iidaan, marka heshiiskaan isafgaradkaa waxa uu ahaa mid aan isla ognahay hey’adaha nala shaqeeya sida IMF iyo  World bank oo ah inaan heshiiskii shirkada Sahal aan dib u eegis ku sameynay iyagana si wanaagsan ayay noola shaqeeyeen’’ Ayuu yiri Wasiir Oomaar

- Advertisement -

Wasiir Oomaar waxa uu dhiira galiyay in fursado shaqo loo abuuro dadka Naafada ah.

‘’ waxaan ku faraxsanahay in shirkada Sahal ay fursado shaqo siisay dad naafa ah, dagaaladii sukeeye dad badan ayaa ku beelay lixdooda lixaad iyagana xaq ayay leeyihiin inay shaqa helaan, waxaana ku baaqaya in fursado shaqo loo abuuro lana dhiira galiyo dadka naafadaa, sidookale shirkadda Sahal hal abuurkooda waan uga mahad celinaya’’ ayuu yiri Wasiir Oomaar

Guddoomiyaha Shirkada Sahal Cabdicasiis Maxamed Guuleed ayaa Wasiirka ugu Mahad celiyay booqashada iyo dhira galinta Howlwadeenada gaar ahaan kuwa qaba baahiyaha gaarka ah.

‘’ waan uga mahad celinaynaa Wasiirka aqbalaada uu naga aqbalay inuu dhiira galiyo dadka naafadaa iyo heshiiska is afgaradka ah ee aan wada saxiixanay oo ah in shirkadda Sahal iyo Wasaaradda ay wada shaqeeyaan’’ Ayuu yiri Gudoomiyaha Sahal Hospitality

Hoos Ka Daawo Sawirrada

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts