HomeWararSawirro:-Wasaarada Dastuurka oo kulamo wadatashi ah la yeelatay Bulshada Jowhar

Sawirro:-Wasaarada Dastuurka oo kulamo wadatashi ah la yeelatay Bulshada Jowhar

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gudigga Baarlamaanka Federaalka ee La-sacodka dib-u-eegista Dastuurka iyo Gudigga Madaxbanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa kulan wadatshi ah la yeeshay Ururada Bulshada Rayidka ee magaalada Jowhar ee caasimadda Dawlad Goboleedka Hirshabeelle. Kulanka oo ujeeddadiisu ahayd in bulshada Jowhar ay talooyinkooda ka dhiibtaan Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka ayaa waxaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gudigga Baarlamaanka Federaalka ee La-sacodka dib-u-eegista Dastuurka iyo Gudigga Madaxbanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa kulan wadatshi ah la yeeshay Ururada Bulshada Rayidka ee magaalada Jowhar ee caasimadda Dawlad Goboleedka Hirshabeelle.

Kulanka oo ujeeddadiisu ahayd in bulshada Jowhar ay talooyinkooda ka dhiibtaan Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka ayaa waxaa ka soo qaybgalay xubno badan oo kamid ah Ururada Bulshada Rayidka ee Hirshabeelle.

- Advertisement -

Sen Cabdiqaybdiid iyo Avv Maxamed Caballa oo kala ah labada Gudoomiye ee Guddiyada Baarlamaanka iyo Gudigga Madaxabanaan ayaa sheegeen in kulankan uu bilow u yahay kulmo kale oo ka dhici doona dhamaan degmooyinka dalka, sidoo kale waxa ay sheegeen in ay cadeeyneyso wadashaqeynta wanaagsan ee ka dhaxeeysa Wasaaradda iyo labada Guddi.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in Wasaaradda iyo labada Guddi ay ka go’antahay in ay dhageystaan talooyinka dadka Soomaaliyeed.

“Markii hore ee aan sameeyneynay Dastuurkan Qabyo-qoraalka ah ee sanadkii 2011kii lama imaan karin oo wadatashi laguma qaban karin magaalooyin badan oo dalka kamid ahaa maadaama ay arggagixisadu heysteen, sidaa awgeed hadda waxaa inaga go’an in Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka la gaarsiiyo dhaamaan gobolada oo waqti xaadirkan arggagixisada laga sii dabargoynayo” ayuu yiri Wasiirka.

- Advertisement -

Ugu dambayn, dadkii ka soo qaybgalay kulanka ayaa ra’yigooda la wadaagay Wasaaradda iyo labada Guddi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts