Doorashada Guddoonka Baarlamaanka ayaa lagu wadaa in maanta lagu soo gabagabeeyo magaalada Muqdisho iyadoo la dooranayo labada guddoomiye ku xigeen ee Baarlamaanka.
Jagada Guddoomiye ku xigeenka koowaad waxaa ku loolamaya lix musharax oo kala ah:
- Faarax Sheekh C/qaadir
- C/weli Sheekh Ibraahim Muudey
- iyo Khadiijo Maxamed Diiriye
- Siciid Xuseen Ciid
- Jeylaani Nur Iikar
- Khaalid Macow C/qaadir
Musharixiinta markii dusha laga eego waxay kasoo wada jeedaan beesha Shanaad, laakiin waxay ku kala tiirsan yihiin isbaheysiyo iyo xulafo siyaasadeed, waxaana ugu cadcad saddexda Musharax ee kala ah:
- Faarax Sheekh C/qaadir
- C/weli Sheekh Ibraahim Muudey
- iyo Khadiijo Maxamed Diiriye
Saddexdan musharax waxay kala metelayaan kooxo siyaasadeed oo sidoo kale ku jira tartanka madaxweynaha Soomaaliya.
Faarax Sheekh C/qaadir:Â Waa saaxiibka ugu dhow Xasan Sheekh waxayna guul uu gaaro ka dhigan tahay hordhaca guusha Xasan Sheekh, halka guul darro ku timaado loo fasiran karo in dib u soo laabashada Xasan Sheekh ciriiri ku jirto.
Ololaha Faarax wuxuu salka ku hayaa taageerayaasha Xasan Sheekh iyo saaxiibo waaweyn, waxaana rajadiisu tahay inuu ku soo baxo xilkan, laakiin waxaa laga cabsi qabaa inay galaafato diidmada weyn iyo mucaaradnimada loo hayo Xasan Sheekh iyo kooxda Damjadiid.
C/weli Sheekh Muudey: Waa musharax uu taageersan yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku fashilmay ololihii iyo dhaqaalihii uu ku bixiyay Musharax C/rashiid Xiddig, laakiin wuxuu rajo fiican ka qabaa in taageerada inta badan xildhibaanada Digil iyo Mirifle iyo xildhibaanada beelaha Daarood intooda badan oo diidan kooxda Xasan Sheekh iyo Faarax ay noqon karto fursad uu C/weli Muudey ku soo baxo.
Inkastoo C/weli aanay jecleyn xildhibaanada siiba kuwii ka tirsanaa Baarlamaankii KMG ahaa, haddana wuxuu tartan adag la geli doonaa Faarax C/qaadir, waxaana suuragal ah inuu ku soo baxo naceybka musharaxaasi.
Khadiija Maxamed Diiriye: Waa musharax sheegtay inaysan jirin cid ay taageero ka heysato, waxaase la filayaa in wareega koowaad ay hesho inta badan codadka haweenka ku jira Baarlamaanka iyo xildhibaano ay saaxiibo yihiin.
Lama saadaalinayo inay Khadiijo xilkan ku soo bixi karto, arrimo la xiriira dhaqanka siyaasadeed ee dalka.
Isku soo duuboo loolanka dhabta ah wuxuu dhex mari doonaan saddexdan musharax, siiba Faarax iyo Muudey oo guushu ay raaci doono kii hadba waqtigu la jiro, nasiib kuna saacido, laakiin doorashada C/weli Muudey waxay baarlamaanka 10aad ka dhigi doontaa mid ay wada maamulaan Prof. Jawaari iyo Shariif Xasan iyadoo Muudey yahay nin ku shaqeeya rabitaanka madaxweynaha Koonfur Galbeed.