Munaasabado lagu weyneynayo xuska 1-da Luulyo oo ku beeagn 61- guuradii ka soo wareegtay markii Gobollada Koonfureed ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga 1-da Luulyo sanadkii 1960-kii iyo israacii gobollada Waqooyi iyo Koonfur ayaa ka socoto Muqdisho iyo Gobollada kale ee dalka.
Waxaa xalay la arkayay dadyow farabadan oo isugu soo baxay waddooyinka iyo goobaha taariikhiga ah ee ku yaalla Caasimadda iyo Gobolada dalka.
fagaaraha daljirka Dahsoon ee Degmada Boondheere oo ay soo buux dhaafiyeen dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo sita calanka Soomaaliya.