|

Xuska 25-guurada Shirkii Carta: Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Ismaaciil Cumar Geelle Oo Si Wadajir Ah U Furay Taallada Nabadda

Warar · Abdalle · October 30, 2025
Xuska 25-guurada Shirkii Carta: Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Ismaaciil Cumar Geelle Oo Si Wadajir Ah U Furay Taallada Nabadda

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Lagu Soo Dhoweeyey Dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhoweynay caasimadda dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeybgalayo munaasabad lagu xusuusanayo dadaalkii dowladda Jabuuti ee qabashada Shirweynihii dib u heshiisiinta Soomaalida iyo dib u yagleelidda Jamhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya. Shirkan Carta ayaa ahaa mid taariikh weyn u leh Soomaaliya, maadaama uu saldhig u ahaa heshiisyada nabadeed iyo isku soo dhawaanshaha dhallinyarada, siyaasiyiinta, iyo bulshada Soomaaliyeed ee kala qaybsan.

Madaxweynaha Dowladda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, oo martigelinaya munaasabadda xuska sannad-guurada 25-aad ee Shirkii Nabadda Soomaaliya, ayaa ku maamuusay madaxda qaranka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed daahfurka xarunta cusub ee dib u heshiisiinta Geeska Afrika, oo loogu magac daray Taallada Nabadda ee Carta. Taaladdan ayaa taariikh mug weyn ku leh nabadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya, waxaana la sheegay in ay noqon doonto meel lagu xusuusan doono dadaalka Jabuuti iyo doorka muhiimka ah ee ay ku lahayd dib u dhiska dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo dalka Jabuuti waxa uu kulamo la yeelan doonaa madaxda sare ee dalkaasi. Waxa uu sidoo kale khudbad ka jeedin doonaa munaasabadda daahfurka xarunta dib u heshiisiinta Geeska Afrika, isagoo ka hadlayo guulaha iyo mira-dhalka ay Soomaaliya ka heshay Shirkii dib u heshiisiinta Carta. Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale xusay sida ay muhiimka u tahay in la xoojiyo xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo horumarinta bulshada. Iskaashiga labada dal ayaa la rajeynayaa inuu sii xoojiyo xasilloonida iyo nabadda Geeska Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa si wadajir ah u furay Taallada Nabadda Soomaalida ee Carta. Taaladdan casriga ah ee lagu keydiyo taariikhda Shirarkii dib u heshiisiinta Soomaalida ayaa ah astaan muuqata oo muujinaysa midnimada iyo dadaalka labada dal ee nabadda iyo wadajirka.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la sii wado shaqooyinka nabadda iyo dib u heshiisiinta ee ka socda Soomaaliya, iyagoo hoosta ka xariiqay in taalladan ay noqotay xasuus muhiim ah oo ku saabsan awoodda wadajir ee ummadda Soomaaliyeed. Waxay sidoo kale ka dhigan tahay in dhammaan qaybaha bulshada Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan maamul goboleedyada, siyaasiyiinta, iyo shacabka, ay ka wada shaqeeyaan mustaqbalka dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa si wadajir ah uga qeyb galay munaasabadda xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadaynta Soomaaliyeed ee Carta, oo horseeday dib u dhiska dowladnimada dalka. Munaasabadda ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin sare oo ka socday labada dowladood, madaxda hore ee Soomaaliya, siyaasiyiin, iyo qeybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed.

Xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti

Xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa muddo dheer ahaa mid saaxiibtinimo iyo iskaashi dhinacyo badan leh. Jabuuti waxay noqotay taageere muhiim ah oo Soomaaliya ku caawisay dhinacyada amniga, siyaasadda, iyo dib u dhiska dalka. Inta badan, Jabuuti waxay ahayd martigaliye muhiim ah oo shirka iyo wada hadalada nabadda ee Soomaaliya, iyada oo sidoo kale bixisay meelaha lagu qabto shirarka sida Shirkii Carta ee 2000.

Iyada oo Jabuuti ay leedahay xiriir wanaagsan iyo saaxiibtinimo qoto dheer oo ay la leedahay Soomaaliya, waxaa la rajeynayaa in labada madaxweyne ee hadda xilka haya ay sii xoojiyaan iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dowladood, si loo gaaro barwaaqo iyo horumar waara oo ka dhasha nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.