Cirro oo Ka Hadlay Waxa ay Somaliland ku Beddelatay Aqoonsiga Israa’iil
Madaxweyne Cirro ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in aqoonsiga Israa’iil
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka hadlay arrimo la xiriira aqoonsiga ay Somaliland ka heshay Israa’iil, wareysi uu siiyay telefishinka Sky News – qeybtiisa Carabiga.
Wareysiga oo socday ku dhowaad nus saac ayaa Madaxweynaha lagu weydiiyay su’aalo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen: waxa ay Somaliland ku beddeshay aqoonsiga Israa’iil, suurtagalnimada in dad Falastiiniyiin ah la dejiyo Somaliland, aragtida Somaliland ee midnimada Soomaaliya, iyo sidoo kale sida ay u arkaan falcelinta dowladaha ka bixiyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.
Madaxweyne Cirro ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in aqoonsiga Israa’iil lagu beddelay heshiis ku saabsan dejinta dad Falastiiniyiin ah, isagoo sheegay in arrintaas aan marnaba laga wada hadlin.
“Lama soo hadal qaadin, lama soo jeedin, lagamana wada hadlin, waxna kama jiraan,” ayuu yiri Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.
Dhanka kale, Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay taageersan tahay hindisaha nabadeed ee uu hormuudka ka yahay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaas oo la xiriira xaaladda Qasa.
“Dowladda Somaliland waxay taageersan tahay hindisaha nabadeed ee Madaxweyne Donald Trump ee Qasa iyo dadka Falastiiniyiinta,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.
Sidoo kale, Madaxweyne Cirro ayaa xusay in Somaliland ay aaminsan tahay in quruumuhu ay wada noolaan karaan, isla markaana nabaddu tahay waddada kaliya ee lagu gaari karo xasillooni waarta iyo wada-noolaansho dhab ah.
Somaliland ayaa horay u beenisay warar sheegayay in heshiiska aqoonsiga Israa’iil uu salka ku hayo arrimo la xiriira deegaameyn ama qorshe lagu dejinayo dad Falastiiniyiin ah.