|

Degmada Waaberi oo u soo gudubtay finalka tartanka degmooyinka G/Banaadir

Xulashada Ciyaaraha · Bilan Media · September 3, 2017

Ciyaar ka tirsan wareegga afar dhammaadka ee tartanka kubadda cagta degmooyinka gobalka Banaadir ayaa waxa ay ka dhacday garoonka kubadda Cagta  Banaadir  magaalada Muqdisho.

Kullanka ayaa waxa uu u dhaxeeyay degmooyinka Waberi iyo Heliwa oo ka soo gudbay wareegga siddeed dhammaadka ee tartanka, labadda dhinac ayaa soo bandhiggay ciyaar xiiso leh.

Waqtigii loogu talagalay ciyaarta waxaa 2-0 ku badisay degmada Waberi, waa markii seddexaad oo xiriir ah oo ay soo gaarto kama dambeysta.

Labaddii mar ee hore waxaa ka qaaday koobka degmooyinka Xamarweyne iyo Boondheere, waxanna ay sugi doonta cidda soo badiso degmooyinka Kaaraan iyo Hodan oo berri ku dheelli doonno garoonka Banaadir saacadda geeska Afrika marka ay soo gaarto 3:30 (Galabnimo).

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.