Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee looga hadlayo Arrimaha Doorashooyinka oo uu shir guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa galay maalintiisi afraad, waxaana laga gaaray natiijo wanaagsan,
Shirka Wadatashiga oo sabtida todobaadkaan ka furmay Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horumarro laga sameeyay qodobbadii laga wadahadlayay ee khuseeyay doorashooyinka dalka.
Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey shirka wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka, waxaana uu tilmaamay in Shirka lagu wado in lasoo xiro maalinta khamiista ee soo socota.
Waxaa uu sheegay in madaxda dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ay muujiyeen biseyl sida ay u doonayaan in heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka, isagoona xusay in heer gabogabo ah marayaan dhameystirka qodobada ka soo bixi doona heshiiska la filaayo shirka laga gaaro.
“Ra’iisul Wasaaraha oo had iyo jeer xudun u ahaa wadahadaladana waxaa uu ahaa qofka habeen iyo maalin ka shaqaynayey in shirku uu guuleysto†ayuu yiri Af-hayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda dowlad Goboleedyada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.