Iyadoo saaka Magaalada Laascaanood uu mar kale dib kaga qarxay Dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo xoogaga SSC ayaa waxaa arrintaasi war kasoo saartay Xukuumadda Somaliland.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Somaliland ay u taagan tahay nabadda, horumar iyo in ay wadamada jaarkeeda kula noolaato nabad, xasilooni iyo walaalnimo, waxaana mar kale ay ku celisay in Puntland ay ku lugleedahay dagaalka ka socda Laascaano.
Waxaa ay sheegtay Somaliland in Ciidamada Maamulka Puntland oo ay is-garabsanayaan Kooxaha Xoogagga SSC ay saaka weerar ku qaadeen fariisamada Ciidamada Somaliland ee Gobolka Sool.
Qoraalka kasoo baxay Somaliland ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ciidamadeedu ay ka jawaabeen dagaalka ay sheegeen inuu kaga yimid Puntland iyo SSC. Waxaana intaa ay ku dareen in masuuliyada weerarkaaasi ay qaadi doonta Maamulka Puntland.
Dagaalka ka socda Magaalada ayaa galaya 20 maalmood oo xiriir ah, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac leh, oo soo kalagaaray dhinacyada dagaalamaaya iyo dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Laascaanood.