Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dowladda Somalia Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa ku dhawaaqay in markale kulan xasaasi ah ay wada qaadan doonaan masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Somaalia iyo Maamulka Somaliland.
waxaa uu xusay in kulankaasi uu yahay mid looga gol leeyahay sidii ay u midoobi lahaayeen umadda soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.
Qodobada la rabo in lagu heshiiyo ayuu ku sheegay Raisulwasaare ku-xigaynka in ay ka mid yihiin ka wada qaybsiga mamulka maaliyada, wada shaqaynta maxkamadaha, fulinta sharuuc dalka loo dajiyey inuu ku dhaqmo iyo arrimo kale oo dani ugu jirto Ummadda Soomaaliyeed.
“Shirkan waxaa uu naqanayaa mid bilaaban doona islamarkaana lagu mideynayo soomaaliweyn oo dhan waxaana rajeyneenaa in uu si habsami leh u dhaqan galo”.
Hadalkan ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo dhowr jeer xubno ka socda dowladda Dhexe iyo maamulka Somaliland ay kulamo qaateen hase haatee waxba aysan kasoo bixin.