Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu Magaalada Muqdisho ka socdo diyaar-garowga furitaanka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Ibraahim Macalimuu ayuu ku sheegay in maalmaha soo socda uu Muqdisho ka furmi doono Shirka uu ku baaqay Rooble ee looga hadlayo doorashada.
Afhayeen Macalimuu ayaa waxaa uu sheegay in Shirka Golaha Wadatashiga Qaran loo hadli doono dardargalinta doorashooyinka iyo dhameystirkooda, ayna ka qeyb gelin doonaan Madaxweyneyaasha maamul Goboledeedyada
“Waxa socda diyaar-garowga furitaanka shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Muqdisho ka furmo maalmaha dhow ee innagu soo aaddan. Shirka ayaa waxa lagaga hadli doono dardargalinta doorashooyinka iyo dhameystirkooda” ayuu yiri Afhayeen Macalimuu.
Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada sida Hirshabeelle, Galmudug, Puntland iyo Jubbaland, halka weli uusan imaan Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo diiday ka qeyb galka Shirka RW Rooble…