Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda xilgaarsiinta Eng Cabdullahi Abuukar Xaaji (Cabdullaahi Carab) ayaa Guddi KMG u ah u magacaabay hurumarinta Afka Soomaaliga.
Wareegto uu soo saaray Wasiir Cabdullaahi Carab ayaa lagu magacaabay Guddigaan horumarinta Afka Soomaaliga oo ka kooban 27-xubnood, kuwaasi wax ka qaban doona dhibaatooyinka heysta Afka Soomaaliga.
Sababta keentay magcaabista Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay baahi loo qabo wax ka qaban doona dhibaatooyinka Afka Soomaaliga, isla markaana la doonayo in lagu horumariyo Akadeemiyadd Goboleedka Af-Soomaaliga.
Wasiir Eng Cabdullahi Abuukar Xaaji, Cabdullahi Carab ayaa Guddoomiyaha Akadeemiyadda Fanka, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda iyo Wasiiru dowlaha Waxbarashada ayaa laga codsaday inay la shaqeeyaan xubnaha la magacaabay.
Hoos ka Akhriso Magacyada xubnaha Guddiga ee la magacaabay .