Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federalka Somalia, Maxamed Ibraahim Aadam ayaa sheegay in xiriirka Somalia iyo Sacuudiga ahaa mid muddo dheer soo jiray, oo uusan ahayn mid waayadan dambe bilowday.
Wasiirka ayaa hadalkaasi sheegay, kadib, markii wax laga weydiiyey Taageeradda ay Dowladda Sacuudiga ku siiyeen Dowladda Somalia lacag dhan 50 Malyan oo Dollar, wuxuuna sheegay Kaalmo kasta oo ay Dowladda Sacuudiga ka helaan inaan lagu dabaqi karin Go’aankii Dowladda Somalia ee ay xiriirka Diplomaasiyadeed ugu jartay Dowladda Iiraan.
Wasiirka waxa uu ka gaabsaday inuu xaqiijiyo ama beeniyo inay Dowladda Sacuudiga kharajkaasi u bixisay si Dowladda Somalia looga abaalmariyo go’aanka lagu jaray Xiriirkii Iiraan, laguna cayriyey Diplomaasiyiintii Iiraan ee ku sugnaa gudaha dalka Somalia.
Hadalka Wasiirka ayaa yimid, kadib, markii ay Wakaalladda Wararka dalka Britain ee REUTERS daabacday Dukumenti inay Dowladda Sacuudiga ugu yaboohday Dowladda Somalia lacag dhan 50-million oo Dollar, hal maalin kadib, markii ay Dowladda Somalia ku dhawaaqday inay Xiriirka Diplomaasiyadeed u jareen Dowladda Iiraan.
REUTERS ayaa sheegtay inay arkeen Dukumenti ay Safaaradda Sacuudiga ee magaalladda Nairobi u direen Safaaradda Somalia ee Nairobi, taasi ooDowladda Somalia loogu ballanqaaday in la siinayo 20 million oo Taageero dhinaca Miisaaniyadda ah iyo 30-million oo Dollar oo loogu talagalay Maalgelinta Somalia.
Hay’adda Sacuudiga ugu qaabildan Horumarinta “The Saudi Development Fund†ayaa shaacisay Ballanqaadyadaasi oo soo baxay bishan 7-da, oo ku beegan markii ay Dowladda Somalia xiriirka u jartay Xiriirkii Diplomaasiyadeed ee Iiraan.
Tallaabadaasi ayaa timid, markii ay Kooxo Iiraaniyiin ah ay dab qabadsiiyeen Safaraadda Sacuudiga ee ku taallay caasimadda dalka Iiraan ee Tehraan iyo Qusuliyada magaalladda Mash-had.
Dibadbaxayaasha Reer Iiraan ayaa ka caraysnaa go’aankii ay Sacuudiga ku dileen Shiikh Nimir Baaqir Alnimri, kaasi oo lala dilay 46 qof oo ku eedeysnaa Falal Argagixiso.
Xigasho: REUTERS & ALMANARÂ
©Radio Dalsan    Â