Barlamaanka Turkiga ayaa la filayaa inay isbuucan dood ka yeeshaan Xukunka Degdegga ee la soo rogay, markii la fashiliyey Afgembigii Dhicisoobay bartamihii bishii July ee sannadkii hore.
Ra’isul-wasaaraha dalkaasi, Binali Yildrim ayaa maanta qorshahaasi ka sheegay Shir ay Xildhibaanadda Xisbiga AK talada haya ku yeesheen Ankara.
Waxa uu xusay inay Barlamaanka ka codsan doonaan in 3 bilood oo dheeraad ah lagu kordhiyey Xukunka Degdegga.
Sharciga Xukunkaasi ayaa waxa uu xadidayaa ama xayirayaa Xuquuqda Aadanaha iyo Xorriyadda Hadalka.
Turkiga waxaa muddooyinkii dambe ka dhacay Qaraxyo iyo Weeraro, iyadoo ay boqolaal qof ku geeriyoodeen Weeraradaasi oo ay inta badan dhabarka u ritaan Kooxda Daacish iyo Maleeshiyadda Gooni-goosad-doonka ee PKK.
©Radio Dalsan