Maxkamadda Crown Court ee Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa waxaa ay xukun ku riday Muwaadin Soomaali ah oo lagu eedeeyay inuu Internet-ka dad uga dhacay lacag gaareysa 253 kun oo dollar.
Muwaadinka oo lagu magacaabo Cabdisalaan Daahir ayaa Maxkamaddu ku heshay dembi ah inuu si khiyaano ah ku dhacay dad isaga oo iska dhigaya in uu ka tirsan yahay shirkadaha Royal Mail iyo HMRC ee dalka Ingiriiska.
Cabdisalaan Daahir ayaa la tilmaamay uu gurigiisa ku heystay maqaallo loo isticmaalo khiyaanada iyo dhaqidda lacagta, isla markaana dadka shacabka u diri jiray farriimo qoraaleed been abuur ah.
Daily Mirro ayaa ku warrantay in farriimaha uu diri jiray Cabdisalaan loo maleynayo inay ka yimaadeen Royal Mail, bangiyada waaweyn UK iyo shirkadaha taleefannada gacanta, balse Dhambaalada ay ahaayeen kuwo la farsameeyay.
Sidoo kale Muwaadinka ayaa qirtay inuu dadka khiyaano ahaan ugu dhici jiray lacagta, isaga oo adeegsanaya Computero iyo aalado kale oo qaarkood Saraakiisha Booliska ay gurigiisa ka heleen, kadibna baaris ay ku samayeen ku ogaadeen in dad farabadan horey loogu dhacay.
Maxkamadda Crown Court ee Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa Cabdisalaan Daahir oo 20-sanno jir ah ku xukuntay laba sanno oo xabsi ah, wuxuuna Muwaadinka degan yahay xaafada Enfield ee Waqooyiga London.