Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee dalka Australia ayaa xukun ku riday Muwaadinkaasi oo lagu magacaabo Amiin Maxamed, kaasi oo lagu soo oogay inuu ku biiri lahaa Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Syria iyo Iraq.
Eedeysanaha ayaa la sheegay inay Boliska Federalka Australia qabteen sannadkii 2013-kii isagoo ka dhoofi lahaa Garoonka magaalladda Brisbane, kuna sii jeeday dalka Syria.
Garsoore Lex Lasry ayaa shaki ka muujiyey  inuu Eedeysanaha doonayey inuu gaaro Aagga Hore ee dagaalka, inkastoo uusan Eedeysanaha si cad u sheegin ujeedda uu ugu safri lahaa Syria iyo waxa uu ka qaban lahaa.
Garsooraha ka tirsan Maxkamadda Sare ee Australia waxa uu Amiin Maxamed oo 23-jir ah ku riday Xukun Adag oo kala ah Xabsi 5 sanno iyo Bar oo aan Cafis Lahayn oo ay u dheer tahay Xabsi 3 sanno iyo bar.
Waxaa kaloo lagu xukumay in laga masaafurin doono Australia marka uu dhamaysto Xabsigiisa.
Maxkamadda waxaa la keenay cod markhaati ah oo laga duubay Eedeysanaha oo la hadlayo Nin lagu magacaabo Xamsa Al-qudus oo deggan magaalladda Sydney, kaasi oo tashkiiliya dadka ku biiriya Kooxda Daacish.
©Radio Dalsan