Maxkamad Turkish ah ayaa Arbacadii ku xukuntay duqa magaalada Istanbul ku dhowaad saddex sano oo xabsi ah, taasi oo ka mamnuuceysa inuu isu soo taago doorashada madaxweynaha ee bisha June ee sanadka xiga.
Kooxda Ekrem Imamoglu ayaa deg deg wacad ugu maray inay racfaan ka qaadan doonaan kiiskan oo ka dhashay hadal uu jeediyey 2019-kii kadib markii uu tartanka duqa magaalada Istanbul kaga adkaaday xulufada madaxweyne Erdogan.
Dadka lagu xukumo wax kayar afar sano ayaan inta badan xabsiga la dhigin dalka Turkiga., Hase yeeshee xukunkan la xiriira “inuu aflagaadeeyey mas’uul haya xil dowaldeed†ayaa 52 jirkan — oo ka mid ah xiddigaha xisbiga cilmaaniga ee Turkey — ka mamnuucaya siyaasadda muddada xukunka.
Imamoglu ayaa sii hayn doona xilka duqa magaalada ugu weyn Turkiga inta lagu gudo jiro racfaanka xukunka. Booliiska rabshadaha ka hortaga ayaa la dhigay bannaanka maxkamada ee dhanka Aasiya ee magaalada ay ku nool yihiin 17-ka milyan oo qof, inkastoo Imamoglu uu sii watay shaqadiisa sidii caadiga ahayd, haddana wuxuu meesha ka saaray dacwadii maxkamada.
Isagoo ku sugan xaruntiisa dowladda hoose ee Bosphorus ee dhinaca Yurub ee Istanbul, ayaa wuxuu u sheegay kumannaan qof oo taageerayaashiisa ah in xukunku uu calaamad u yahay “sharci-darro qotodheer” oo “caddaysay inaan caddaaladi ka jirin Turkiga maanta.â€
Waxa uu sheegay in cod-bixiyeyaashu ay ka jawaabi doonaan doorashada madaxtooyada iyo baarlamaanka ee loo qorsheeyay bisha June ee soo socota.