Xubno ka tirsanaa dagaalamayaasha AS ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan deegaanka goof gaduud buurey ee Gobolka Bay.
Roobow Cabdiyow Xasan iyo Nuurow Tukow Manuur ayaa saaka isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyed Gaar ahaan Ururka 47-aad ee Guutada 8-aad Qeybta 60-aad CXDS.
Roobow Cabdiyow Xasan iyo Nuurow Tukow Manuur ayaa intii ay dagaalamaayasha AS ka tirsanaayeen tababarro kala duwan kusoo qatay Degmada Bu’aalle.
Taliyaha Ururka 47-aad ee Guutada 8-aad Qeybta 60-aad CXDS L/X/le Ahmed Maxamed nuur ( Ahmed Dhagey) ayaa Warbaahita u xaqiijiyay in xubnahaan ay iska soo dhiibeen meel qiyaastii 18 km u jirta Degaanka Goof Gaduud Buurey ee Gobolka Bay.