Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen xildhibaanada qeybaha siyaasada dhaqanka culumaa.udiinka haweenka iyo dhalinyarada beesha mudulood loogana arinsanayay dhismaha maamlulada harsan ee gobolada ay beeshaasi degto ayaa manta lagu abtay hotelka naasahablood laba ee magaalada muqdisho.
Gogoshaasi oo ay kadhax muuqdeen intabadan qeybaha waxgaradka beeshaasi ayaa waxaa fidiyay xildhibaanada iyo wasiirada mudulood waxaana looga hadlayay qaabka ugu haboon uguna sahlan ee loo wajihi karo maamul usameynta degaanada aan wali udhismin qaabka fadaraalka ee dowlada soomaaliya ay kudhisan tahay gaar ahaana kuwa ay beeshaasi degto sida banaadir iyo shabeelada dhexe.
Madashaasi ayaa waxaa kusugnaa ugaasyada iyo qeymaha dhaqanka ama duubabka oo uu hogaaminayay iimaam maxamad yuusuf cali iimaam oo ah duubka guud ee beesha mudulood waxaa kaloo iyana fadhiyay madashaasi siyaasiyiin caan ah oo ay kamid ahaayeen Ex xildhibaan salad cali jeele duqii hore ee magaalada muqdisho Ex xildhibaan maxamuud axmed tarsan oo labaduba hada ah gudoomiyeyaasha xisbiyo xaga siyaasadda ah gudoomiyihii hore ee gobolka shabeelahadhexe eng .cabdi jiinow calasow iyo mas uuliyiin kale.
Xubnihii madashaasi kahadlay ayaa waxaa kamid ahaa xildhibaan cabdulqaadir cosoble cali.xildhibaan cabdiraxmaan shiiraar.xildhibaan cumar maxamuud maxamed (FINISH) xildhibaan nuur maxamuud xuseen.iyagoo xildhibaanadaasi hadlay mid iyo hortiis uu ugu dhawaaqay go.aankoodu in uuyahay shirka jowhar oo lawada tago iyo maamul balaaran oo nidaamka federalka ah ee dalka waafaqsan si nabad nolol iyo horumar loogu abuuro degaanada beeshaasi ay degto waxana ay balan qaadeen tixgelin iyo wadatashi in ay siindoonaan walaalohooda soomaaliyeed ladegan.
Ex.xildhibaan muxudiin xasan afrax.nabadoon cumar ibraahim cosobow  garaad xaajixuseen maxamuud xasan iyo nabadoon axmad jowhar ayaa iyaguna kulankaasi kajeediyay hadalo laxiriiray talooyin iyo taageero qaabka loogu dhaqaaqayo shirka wadatashiga ee JOWHAR.
afka dhaqanka beesha waxaa kuhadlay iimaam maxamad yuusuf cali iimaan oo ahaa gudoonkii shirkaasi wuxuuna sheegay in go aankoodu uu yahay mid kusaleysan talada iyo go.aanka xildhibaanadooda siyaasadda kumatala kaas oo ah in loo dhaqaaqo magaalada jowhar oo ay taalo gogosha nabadda iyo wada tashiga dhismaha maamulka lagabilaabo xiliga uu kudhawaaqayna ay talaabada xigtaahi tahay si ficil ah inay uga dhabeeyaan qabsoomida shirkaasi.
Waxaa kulankaasi iimaamku gabagabadiisii uu siguud ugu duceeyay umadda soomaaliyeed waxana uu kusoo dhamaaday jawi farxadeed isfaham iyo is marxabeysiin.