Hafow Abdulkadir Ibraahim oo loo yaqaano (Saabir ) kana tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan qeybta 60-aad ee howlgasha deegaanada dowlad Goboleedka Koonfur galbeed.
Hafow ayaa Muddo 1-sano ah Al-Shabaab u qaabilsanaa waxa aay u yeeraan Jabhada, wuxuuna ka soo howlgaley deegaanno ka tirsan Jubbada Hoose iyo Bakool,waxa una Baaq udirey Saaxibadiisa kale ee ku jira Shabaab.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan qeybta 60-aad ayaa soo dhaweeyay  Hafow Abdulkadir Ibraahim, isagoona sheegay inuu isaga soo baxay Shabaab oo uu ka tirsanaa
Kooxda Al-Shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday qorshe ay isugu soo dhiibeyso ciidamadda xoogga dalka, dadka isa soo dhiibaya ayaa isugu jira askar iyo saraakiil, waxaana ugu danbeeyay madixii amniga Shabaab ee gobolka Mudug oo dowladda isu soo dhiibay.