Xoghayihii joogtada ahaa ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Zuber ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu haayay.
Qoraal uu soo saaray Xoghaye Zubeyr ayuu ku shaaciyay inuu Maanta oo ay taariikhdu tahay 3-da Maarso 2024, warqadihiisa is casilaada u gudbiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo marka hore soo magacaabay.
Wuxuu tilmaamay Maxamed Abuukar Zubeyr in uu si iskiis ah u go’aansaday in uu xilka iska casilo, waxa uuna Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya uga mahadceliyay shaqadan uu horey ugu igmaday waxbana kala soo shaqeeyay.
Wararka ayaa sheegaya in dhowaan ay dhici doonaan isku shaandheyn iyo isbedello waaweyn oo lagu sameynayo Hay’adaha dowladda, siiba xilalka Golaha Wasiirada, Agaasimayaasha iyo Masuuliyiinta ee dowladda, iyadoo ay is-casili doonaan xubnaha xilalka laga qaadayo qaarkood.